Akadeemiye-Gobo-leedka Af-Soomaaliga oo Tababbar Siisay Warfidiyeenka ka Hawlgala Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

Akadeemiye-Gobo-leedka Af-Soomaaliga oo Tababbar Siisay Warfidiyeenka ka Hawlgala Puntland

Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee ay wadaagaan dalalka GeeskaAfrika ee Af-Soomaaliga lagaga hadlo, oo kaashanaysa Xarunta Cilmi-baarista, Puntland PDRC iyo Ururka Warfidiyeenka ee magiciisa lagu soo gaabiyo MAP, ayaa waxay qabanqaabisay tababbar maalin socdey oo la siiyey qayb ka mid ah Warfidiyeenka ka hawlgala Puntland. Tababbarkan, oo ay ka horreeyeen kuwo la mid ah oo ay Akadeemiyadu hore ugu qabatay Muqdisho iy meelo kaleba, waxaa lagu qabtay Garoowe, 3dii June 2015 wuxuuna ku saabsanaa toosinta iyo tayanta Af-Soomaaliga loo adeegsado warbaahinta Soomaalida.
Munaasabaddan waxaa furay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Puntland, Md. Cabdiweli Xirsi “Indha-guran”. Wasiirku wuxuu halkaa ka soo jeediyey hadal murti iyo waano ah oo ay u riyaaqeen ka-qaybgalayaashii kulanku. Wasiirka ka hor waxaa madasha ka hadlay Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ahna Asaasihii Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed. Dr. Afrax, oo asagu hormuud ka ahaa munaasabaddan, wuxuu ka hadlay baahidii keentay asaasidda Akadeemiyada uu hoggaamiyo iyo qiimaha Af-Soomaaligu ugu fadhiyo ummadda ku hadasha. Waxa kale ee uu si weyn u iftiimiyey muhimnimada warbaahinta, qiimaha uu ku fadhiyo afka hooyo iyo halista ku soo fool yeelatay Af-Soomaaliga taas oo loo baahan yahay inay dadka Soomaaliyeed isu wada kaashadaan badbaadinta iyo horumarinta afkooda hodanka ah, asagoo ku tilmaamay afka iyo aqoonta uu xambaarsan yahay inay yihiin hantida ugu qaalisan ee ay leedahay ummaddani.

Waxaa iyana madasha ka hadlay Guddomiyaha Ururka Warfidiyeenka Puntland, Md. Faysal Khaliif iyo Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Puntland, Md. Cali Faarax. Labada masuulba waxay ku nuuxnuuxsadeen ahmiyadda Af-Soomaaliga iyo sida loogu baahan yahay toosinta iyo tayaynta afka warbaahintu adeegsato. Tan kale, waxay waano iyo talooyin u soo jeediyeen warfidiyeenka Soomaaliyeed. Intaa ka dib, warfidiyeenkii tababbarka qaadanayey ayaa waxaa loo diray inay dhexdooda isla soo falanqeeyaan arrimaha udub-dhexaadka u ah mowduuca aqoon-wadaagga. Waxaa loo kala saaray saddex kooxood: koox soo darista sida ay u arkaan dhibaatooyinka ka jira adeegsiga Af-Soomaaliga ee warbaahinta iyo wixii ay xal u arkaan; koox tilmaan iyo tusaaleyaal ka soo bixisa qaladaadka soo noqnoqda ee Af-Soomaaliga warbaahinta; iyo kooxda saddexaad oo loo xil-saaray inay si gaar ah diiradda u saaraan qaladaadka iyo dhibaatooyinka ka jira qoraalka iyo hikaadinta xarfaha.

Ka dib markii la isu soo xooriyey natiijooyinkii dood-wadaaggaas, waxaa hadalkii qaatay Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka-galayaasha ku bogaadiyey fikradaha iyo talooyinkii ay soo jeediyeen. Ka dibna Dr. Afrax Wuxuu halkaa uga sii gudbey soo jeedinta casharkii uu ku soo talagay, kaas oo ahaa ubucda iyo udub-dhexaadka tababbarka. Wuxuu warfidyeenka da’yarta ah farta ugu fiiqay tusaaleyaal badan oo uu ka bixiyey qaladaadka had iyo jeer soo noqnoqda ee ay isaga daydaan wariyeyaasha da’yarta ah. Isla markaa wuxuu iftiimiyey sixitaanka qaladaadkaas asagoo si cad u qeexay noocyada ay u kala baxaan. Gunaanadkii casharkiisa guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyey talooyin badan oo ku wajahan toosinta iyo tayanta Af-Soomaaliga warbaahinta.

Ka dib waxaa asna cashar muhiim ah soo jeediyey aqoonyahan Cabdi Faarax “Juxa” wasiirkii hore ee Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Juxa, oo ku takhasusay cilmiga warbaahinta, wuxuu diiradda saaray guud ahaanba kaalinta warbaahinta iyo sida ay u hoggaamiso fekerka iyo wacyiga bulshada. Wuxuu taataabtay dhinacyada kala duwan ee hawlgalka warbaahinta iyo kaalinta ay ka qaadan karto toosinta ama qalloocinta afka. Ugu dambayntii, kulanka waxaa lagu soo gunaanaday su’aalo ay soo jeediyeen ka-qaybgalayaashu uuna uga jawaabay Dr. Afrax. Ka qaybgalayaashu waxay waxay sheegeen inay wax ka faai’deysteen tababbarka, kana mahadcelinayaan. Waxay codsadeen in loo sii wado tabbarrada noocaan ah.

afrax-garoowe

afrax-garoowe1

afrax-garoowe2