Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Bahda Waxbarashada Boosaaso ku Boorriday Daryeelka AfSoomaaliga

Filed under: Important News,Wararka |

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Bahda Waxbarashada Boosaaso ku Boorriday Daryeelka AfSoomaaliga

Muxaadarad weyn oo hal-ku-dheggeedu ahaa ‘ Hiilka Afka Hooyo iyo Hurimarinta Aqoonta’ ayna qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Jaamacadda Muqdisho qaybteeda Boosaaso ayaa lagu qabtay isla jaamacaddaas, 11kii Oktoobar 2016. Muxaadaraddaas oo uu soo jeediyey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaa ka qaybgalay kana faai’deystey boqollaal ka mid ah ardayda, macallimiinta iyo maamulka jaamacaddaas iyo qaar ka yimid jaamacadaha kale ee Boosaaso ka hawlgala.

Ugu horrayntii munaasabadda waxaa furay Bare Sare Shiikh Cabdullaahi Shiikh Xasan, Guddoomiyaha jaamacadda. Wuxuu ku furay erayo uu si diirran ugu so dhaweynayey Dr. Maxamed Daahir Afrax oo booqasho gaaban ku joogey Boosaaso. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in guud ahaan bahda waxbarashada ee Boosaaso gaar ahaanna Jaamacadda Muqdisho qaybteeda Boosaaso ay fursad dahabi ah u tahay in uu soo booqdo Dr. Afrax ugana faai’deeyo aqoontiisa ballaaran iyo waaya-aragnimadiisa qaaliga ah. Masuulka Jaamacaddu wuxuu xog-warran kooban ka bixiyey Jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaaso taariikhdeeda iyo waxqbadkeeda. Intaa ka dib wuxuu madasha ku soo dhaweeyey Dr. Afrax.

Qoraa sare Afrax, salaan iyo mahadcelin ka dib wuxuu muxaadaraddiisa si qota dheer ugu falanqeeyey mowduuca kor ku xusan. Wuxuu ka warramay geeddi-socodkii dadaalka taxanaha ah ee loo soo galay daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga geeddi-socodkaas oo uu u qaybiyey afar marxaladood oo kala ah: xilligii baadi-goobka farta; xilligii hirgalinta farta iyo horumarinta afka, xilligii dib u noqodka iyo daalaa-dhaca iyo xilligan u sara-kaca sabatabixinta afka iyo hal-abuurkiisa. Wuxuu ka warramay dadaalladii dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyey afka loogu gurmanayey kuwaas oo ay kaalinta hore kaga jiraan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed. Wuxuu bogaadiyey kaalinta ay arrintaas ka qaateen Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Dawladdiisu. Guddoomiyaha AGA wuxuu hoosta ka xarriiqay xarumaha waxbarashada oo jaamacaduhu hormuus u yihiin in uu xil weyn ka saran yahay daryeelka iyo horumarinta AfSoomaaliga, loogana baahan yahay in ay kaalintoodaas xil iska saaraan.

Waxaa asna madasha hadal kooban ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Boosaaso, ka-qaybgalayaashii ardayda ahaa qaar ka ahna waxay munaasabadda kaga qaybqaateen dheegag suugaan ah oo si weyn loogu riyaaqay. Ugu dambayntiina waxaa lagu gabagabeeyey su’aalo iyo fikrad-is-weydaarsi.

111 afrax-bi

One Response to Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Bahda Waxbarashada Boosaaso ku Boorriday Daryeelka AfSoomaaliga

  1. Pingback: Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Bahda Waxbarashada Boosaaso ku Boorriday Daryeelka AfSoomaaliga - Daily Somalia Report