Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Tababbar Siisay Arday Jaamacadeed

Filed under: Important News,Wararka |

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Tababbar Siisay Arday Jaamacadeed

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa magaalada Boosaaso waxay ku qabatay tababbar ku saabsan Farsamaynta Qoraal-curiska Toolmoon. Tababbarkaas oo lagu qabtay Jaamacadda Muqdisho qaybteeda Boosaaso loona qabtay dhallinyaro hibo hal-abuurnimo leh una badan ardayda jaamacaddaas waxaa hoggaaminayey Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo booqasho gaaban ku tagey Boosaaso. Tababbarka waxaa ka qaybqaatay lixdaneeye dhallinyaro ah oo isugu jirey wiilal iyo gabdho, kuwaas oo si weyn u jeclaystey casharradii tababbarka wax bandanna ka faai’deystey.

Tababbarkani wuxuu qayb ka yahay barnaamijyo taxane ah oo ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ugu talagashay kor u qaadidda kartida xirfadlenimo ee qorayaasha iyo hal-abuurka soo koraya, iyadoo xoogga la saarayo ardayda jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare. Barnaamijkan oo halkudheggiisu yahay ‘Horumarinta Hal-abuur ku qoran Afka Hooyo’ akadeemiyadu waxay bilowday sannadkii hore wuxuuna sii socon doonaa asagoo lagu qaban doono magaalooyin kala duwan oo ka mid ah gayiga Soomaalida. Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee tababbarradan waxaa ka mid ah dhiirrigalinta iyo tayaynta hal-abuurka iyo qoraalka noocyadiisa kala duwan iyo in dhallinyarada hibada leh la soo saaaro hibada ku aasan laguna dhiirrigaliyo guud ahaan wax qoridda gaar ahaanna inay hal-abuuraan qoraalloo iyo suugaan ku qoran afka hooyo ee Soomaaliga ah, isla markaana gaarsiisan ama higsanaya heerarka caalamka laga yaqaan.

tababar2 tababbar-bosaso-12-10-16 tababbar-bosaso-12-16c tababbar-bosaso-okt-2016a

2 Responses to Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Tababbar Siisay Arday Jaamacadeed

  1. Pingback: Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo Tababbar Siisay Arday Jaamacadeed - Daily Somalia Report