AMISON ISBAARO SOOMAALIDA LOO DHIGTAY(WAAYAHAN GUNIMADA)

Filed under: Wararka |

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda
Codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo qiirada dhabta ah
(Somaalinimada Leh)ku hadleeyna waxaanu si cad oo qeexaan,gabasho,
cid durbaan u tumid,xaq duudsiin iyo been ku hadal midna la helay
shaaca ka cadeeyneeyaa in(Ciidanka Midoowga Afrika-Amison)qaab weyn
ka tahay caqabadaha hor taagan hanashada Dowladnimo buuxda,Sugidda
Amaanka Guud iyo hellidda Midnimo Somaaliyeed oo cadaalad leh,horumar
iyo in Somaalidu cagaheeda isku taagto,waxaana markhaati cad u ah
arrimahaas wax qabad yarida,dhaqaalaha badan oo Ciidanka Amison ku
baxaaya,Qalabeynta,daryeelka gaar ah iyo dowladahooda si cad aduunka
uGu qalaabta Magaca Somaaliyeed(sorry).

amison
Urur ahaan waxaanu qireeynaa in(Amison)caqabad weyn ku tahay dhismaha
Ciidanka qaran Somaliyeed(tiradiisa,tayadiisa,awoodiisa,tababarkiisa
iyo daryeelkiisaba leh)sababtoo ah hadii Ciidan qaran la heli in laga
kaaftoomaayo joogitaanka amison iy ciidan shisheeye-ba,sidda siwirkan
Farshaxanka Wadaniga Ustaad-Amiin Caamir qeexaayo Amison dhiiga dadka
Somaaliyeed ayeey ku nool yihiin(Dhiig-miirato camal)waana qaabkii ama xaaladu waxba ma dhaanto waayihii gumeeysiga(waayo waxaa si cad
u maqan xoriyad dhameeys-tiran iyo dowladnimo Somaaliyeed)marxalad
gunimadeeda iyo qaran jabkeeda leh ayaa lagu jiraa,inkastoo inta ama
Raxanta Kuraasta fadhidaa intaas naf u akraan,waana u damiir,dareen
iyo wadaniyada xumo cawaaqibkeeda iyo fadeexadeeda-ba leh,Kumayaal
askari oo hub carsi ah,gaadiid,isgaarsiin casri ah,taakuleeyn,daryeel
gaar ahaaneed iyo dhaqaallem xad dhaaf ah heeysta,wax qabadkooduna
aad iyo aad u liito u hooseeyo,balse la oran karaayo Ciidanka yar ee
Somaliyeed oo dayacan Qalab ahaan,dhaqaale,tababar,daryeel,takuleeyn
iyo gaadiidba ayaa 100% ka karti badan ka geesiyeeysan kana xeelad
iyo farsamoba wacan,markaas ayaa daryeel iyo taakuleeyn mudan kuwa
calooshooda iyo jeebaka madaxdooda difaacideeda dalka u jooga mise
kuwa naftooda sida dhabta ah Dalkooda iyo dadkoodaba uGu huraaya,
sidoo kale waxaa shikigooda wyn leh inuu Jiri karaayo xiriir qarsoon
Amison iyo kooxdda Nabad,dowlad iyo Nolool diidka ah(iyadoo hore
loo xaqiijiyeey ineey Hub ka iibiyeen dhoowr jeer kooxahaas).

Marka runta laga sheego awalba Ciidanka Amison Illaalinta Madaxdda
Sarre ayeey meesha u joogaan iyo hadba sameeynta dhaq-dhaqaaqyo yar
oo show-camal ah(Riwaayad caruureed)tii beryahan dame weey gabeen,
waxaa kale markhaati cad u ah in eey dhibaatada Ummada ka mid yihiin
Colaada Sokeeye iyo xasuuqyadda ka dhacay labada Shebeele oo Amison
dawadayaal ka ahaayeen iyo weliba dhanka dhibka wadda u xagliin sida
Illo xogeed xaqiijiyeen(Ayaan darro leh)hadaba su’aasha ayaa ah ma
la gaareey ama Madaxdda sarre Dowladda F.Somaaliyeed si dhab ah ma
u dareemaan baahidda weyn loo qabo dhismaha ciidanka qaran Somaali
oo dalkooda iyo dadkoodaba difaaca mise weli kursiga gunimadiisa leh
ayeey mudnaanta siinaayaan iyo maaweeladda riwaayad beeneedka meesha
ka socdda mise waaba maxaabiis Amison jeel uGu jirra(madax sawir ah),
degaamadda Ciidanka Caloosha Amison joogaan dhibaato ayaa ka taagan
halka degaamada kale Nabadgelyo,xasilooni iyo horumar xadidan ka jiro
(Maamuladu ka jiraan)Nabadu saldhig u tahay(Alloow Nabadgelyo buuxda,
Dowladnimo dhameeystiran cadaalad iyo xaqsoor leh,midnimo dhab ah iyo
Dastuur xalaal ah iyo hanaan Federaal leh(gunimada looga baxo)Aamiin.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Jully-09-2014.