Aqoonyahan Xigmad Cusub Dimoqraadiyadda Soomaaliya kusoo biirshay: Shacab aan Dhaqaalo haysan Demoqraadiyad ma samaysan karaan (Dhegeyso)

Filed under: Wararka |

Warbaahinta Puntlandobserver ayaa muddo laba sano ah awoodda saaraysay sidii shacabka Soomaaliyeed lowgu soo bandhigilaahaa macluumaadka aqoonneed ee Dimoqraadiyadda kobciya.

Aqoonyahay Cabdullaahi Jaamac oo ah aqoonyahay khibrad u leh arrimaha dhaqaalaha ayaa saaxadda siyaasadda Soomaalida dood cusub iyo Xigmad cusub kusoo kordhiyay.

Aqoonyahanka ayaa bayaaniyay in aynan Demoqraadiyad ka aslaaxi karin deegaan ay Shacab Fakhriya degan yihiin, waayo buu yiri aqoonyahankan Dawladda iyo cidwalba waxay dhaqaysataa ama u dhaga nugushahay cidda dhaqaalaha iyo Masruufka siisa.

Mataln buu yiri DFS waxaa masruufa oo dhaqaalaha siiyay Beesha Caalamka, waana sababtaas sababta aynan Shacabku saamayn mugwayn ugu yeelankarin maadaama Masruufkii ay bixinayaan Beesha Caalamka markaas waxay u dhaga nuglaanaysaa Beesha Caalamka, bal Shacabkii Soomaalida waxayba ku noqonaysaa Caqabad maadaama ay lacagaihii ay Beesha Caalamka kasoo helleen ay Xildhibaanadii ku laaluushayaan.