Awil Abdi Farah:Maqaal saddex geesood ah: Puntland: /Somaliand: DFS:

Filed under: Wararka |

cawil cabdi farax

Waxan guuri bahaleeyaba ma gaaray goolkii an rabay (Galaydh).

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay dowlad gaboleedkii Khaatumo magaalada saaxdheer oo dhacda xuduuda Ethiopia iyo Soomaaliya. In mudo ahba maamulka Khaatumo wuxuu ku jiray tiih badan iyo jaah wareer siyaasadeed kaas oo wajiyo badan leh ama ha ahaato dhanka hogaanka oo dano kala duwan lahaa ama Puntland iyo Somaliland. Asalkii Khaatuno wuxuu ka soo maaxday maskaxda Proff Galaydh iyo tiimka uu hogaaminayo, Iyaga laftooduna isku siyaasad kama ahayn, Waxana is feersocotay labo arragtiyood oo midna ahayd in salaan kursi lagu gaaro laga dhigto Khaatumo midna ay rabeen maamul goboladaasi yeeshaan.

Waana mida keentay saddex madaxwayne oo hal maamul loo sameeyo si uusan miro dhal u noqon looguna baahdo kooxdii asaasayaalka aha.
Proff: Galaydh waa siyaasi rug cadda ah aqoonyahan ah laakiin aysan ka marnayn dantiisa khas ka ah. Waxaa meel wayn u saran gorgortan siyaasadeed,sababtoo ah goboladan waa gobolo aad xasaasi u ah Soomaaliyana isku haynteeda halbowle u ah. Waa gobolo taariikhi ah dadkooduna badan yahay lehna khayradka dabeeciga ah,waxaa ku yaalaan ceelal shidaal.

Ku darsoo waa gobolo aan kaligood wakhatigan gooni isu taagi karin sababo badan awgood, waxaa ka mid ah ma leh Airporo, dekedo,labada geesoodna waxaa ka xiga labo maamul oo mid walba rabo in uu isagu sheegto awooda ama uu isagu xukumo goboladaas kuna muquuniyo dhaqaale. Waxaan meesha ka marnayd in hadeerba dad badani diidan yihiin iyaga oo ku qanacsanlabadaas maamul ninba kuu ka tirsan yahay. Maamulka Saxdheer wuxuu guul wayn u yahay Proff Galaydh oo wakhiti badan u guure bahaleeyay goor xun iyo goob xuna usoo joogay si uu mar uun gorgortanka siyaasadeed boos wayn uga xirto.

“Labo daran mid dooro”

xukuumadda Proff Gaas waxaa soo foodsaartay arrin siyaasadeed oo adag oo la oran karo waa labo daran mid dooro. Haddii uu aqoonsadana u daran haddii uusan aqoonsana u daran, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hal nin gurani dheelmay dhana uma fayooba. Maxaa yeelay maamulkan waxa dhistay waa dadkiisii, haddii uu diido wuxuu waynayaa kalsoonida dad iyo deegaan balaaran, in uu aqoonsadana waxay dhaawac ku tahay axdi qarameedkii uu u dhaartay iyo weliba, xukuumadiisa, oo leh ilaa madaxwayne ku xigeenkiisa gole wasiiro iyo xildhibaano iyaguna matalaya dad iyo deegaan.

Galaydh goolka uu dhaliyay maanta waxay pris wayn ku tahay Dowladda Puntland, Somaliland iyo mida fedaralka intaba.

Xukuumadda Somaliland, waxaa soo food saaray culus aad u wayn qaymo wayna ugu kacaya, ee an ahayn wiilashii miiska waxa yar loo saarayay kuna qancijiray, Proff Galaydh waa taariikh yahan caalamka ka dhiga cilmiga geography waa nin yaqaana wax yaabo badan,an laguna sasabi Karin dheelalaabo. Waxan shaki ku jirin dowlada galaydh dhisay uu ku rabo kusi wayn. Su,aashu gorgortanka Somaliland ma yahay mid qancin kara Proff Galadh, mida kale waxa qoyan dhiigii badnaa ee ay sida naxariisdarada ah ugu daadiyeen khaas ahaan gobolka cayn, Dhawaan waxaa beesha caalamku ugu baaqday maamulada Somaliland iyo Puntland in ay kala baxaan ciidamadooda jooga Sool,Sanaag iyo Cayn, wax badan kama aysan jawaabin Somaliland marka laga reebo Degmada Taleex oo ah meel aad iyo aad xasaasi u ah.

Dhanka dowladda Federalka ayay talo ku ciirsan tahay

Aqoonsigii dowladda feredalka ay aqoonsatay gobolka galguduud, waxay ka farxisay gobola badan oo an shuruuda buuxin waxaa ka mid noqon kara gobolka Hiiraan oo aan doonayn in ay cidna la wadaagaan maamul.
Waxaa ka mid ah Gobolka Sool oo maamulka Khaatumo oo u suxul buubaya in ay hesho aqoonsi ay ka hesho dowladda dhexe iyo maamulada la dariska ah. Dowladda dhexe ma diidi dontaa in ay aqoonsato maamulka Khaatumo mase waa ku khasban tahay?

Dowladda dhexe haddii ay diido aqoonsiga Sool su,aasha hortaal waxay noqon kartaa maxad ku aqoonsadeen Galguduud soolna ku diideen?

Maxaa laga filan karaa dowlada uu Proff Galaydh garwedeenka ka yahay? Waxaa laga filayaa in ay uruuriso,dadka deegaankaas ka soo jeeda,in ay xiriir dhaw la samaysomaamulada dariska la ah, waxaa laga filayaa in ay ka shaqayso maslaxada ummadda goboladaas degan iyo inta ay isku danta yihiin. Waxa kale oo laga filayaa in uu soo celiyo gobolka Sool iyo degmooyinka kale. Intaasi waa waxa ay ka filayaan dadka k aka soo jeeda Sool,sanaag iyo Cayn.
Aniga waxay ila tahay in uu Proff Galaydh ookiyaalo waawayn ku gashaday meeshii uu ka iibin lahaa siyaasada Khaatumo, ayna tahay hawl ad iyo ad u adag. Mahadsanidin .
Maqaalkan waxaa qoray. Awil Abdi Farah A: Email: awilabdi67@hotmail.com.+4551713330.

One Response to Awil Abdi Farah:Maqaal saddex geesood ah: Puntland: /Somaliand: DFS: