Awoodaha Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiillada Ee Dastuurka Puntland (Akhri)

Filed under: Important News,Wararka |

Qodobka 64aad

AWOODAHA GOLAHA WAKIILLADA

Golaha Wakiilladu wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:

1. Dib u eegidda, Ogolaanshaha, diidmada, wax-ka-bedelidda iyo burinta Xeerarka Puntland

2. Ansixinta/diidmada xaalad dagaal iyo meelmarinta heshiis nabdeed marka xukuumaddu soo jeediso

3. Inuu cod kala bar iyo hal (½ + 1) tirada xubnaha Golaha ku Ansixiyo heshiis amaah qaadasho ee Puntland la gasho amaahiye ajnabi ah. 4. Inuu cod kala bar iyo hal (½ + 1) tirada xubnaha Golaha ku ansixiyo heshiisyada caalamiga ah ee Dawladda Puntland dhinac ka tahay. 5. Ansixinta/ diidmadda degmo ama gobol cusub oo xukuumaddu soo jeediso.

6. Ka doodista, kormeeridda, dhaliilidda iyo talo-ku-biirinta siyaasadda iyo barnaamijka wax- qabadka xukuumadda.

7. Hubinta iyo daba-galka meel marinta xeerarka goluhu ansixiyey.

8. Goluhu wuxuu dooranayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-Xigeenka, oo lagu dooranayo, si shakhsi, sinnaan. Toos ama qarsoodi, Marka 1aad iyo Marka 2aad waa sadex meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Wakiillada, marka 3aad waa hal dheeri.

9. Goluhu wuxuu dooranayaa Difaacaha xuquuqda Adanaha, (3) saddexda xubnood oo ka mid noqonaya guddiga Doorashada iyo (2) labada garsoore oo ka mid noqonaya maxkamadda dastuuriga ah, waxaana loo marayaa habraaca doorashada ee Golaha Wakiillada.

10. Ansixinta/diidmada hawl wadeennada golaha fulinta ee xasaanad siinta u baahan.

11. Ansixinta/cellinta barnaamijka waxqabad ee Xukuumadda.

12. Ansixinta/ celinta wax-ka-bedelka miisaaniyadda iyo is-bedel kasta oo lagu sameeyo madaxyadeeda.

13. Ogolaanshaha/diidmada xisaab-xirka miisaaniyadda sanadkii hore.

14. Ogolaanshaha canshuuraha ay xukuumaddu ka qaadayso dadweynaha ka hor inta aan lagu dhaqmin.

15. Ogolaanshaha/diidmada xaaladda degdegga ah ee xukuumaddu soo saarto muddo 30 casho guduhood ah. Haddii goluhu diido wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan, hase yeeshee hawlihii lagu fuliyey waxay noqonayaan ansax, haddii aan maxakamadda dastuuriga ahi u aqoonsan mid dastuuuka ka soo horjeeda.

16. Inuu ku ansixiyo xukuummadda kala bar iyo hal (½+1) tirada guud ee xubnaha Golaha, mid mid ka badan ama dhammaantood.

17. Wuxuu u yeeri karaa mas’uuliyiinta sarsare ee dawladda si wax looga weydiiyo hawlaha loo idmaday. Haddii mas’uul loo yeeray cudur daar la’aan ka baaqsado inuu hortago Golaha ama guddi hoosaadyadiisa, Goluhu wuxuu wargelinayaa madaxweynaha waxaana loo qaadayaa codka kalsoonida.

18. Xasaanad ka qaadista mas’uul kasta oo goluhu doorto ama meel mariyo xil u magacaabistiisa

19. Haddii Mas’uul xasaanad leh la qabto isagoo dembi culus faraha kula jira, waxaa la weydiisanayaa Golaha Wakiillada socodsiinta dacwaddiisa, goluhuna wuxuu ogolaanayaa marka uu hubiyo ka dib.

20. Ogolaanshaha/diidmada daabacaadda lacagta.

21. Ogolaanshaha hindisayaasha xukuumadda ee la xiriira curinta ama baabi’inta hay’adaha dawladda.

22. In uu u gudbiyo Golaha Xukuumadda talooyinka la xiriira ku dhaqanka Miisaaniyadda iyo wax ka bedelidda xeerarka Maaliyadda kadib marka uu Goluhu dhegeysto warbixinta hanti-dhowrka guud.

KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILLADA

1. Golaha Wakiillada waxaa la kala diri karaa markii: b. Ay is casilaan, aqlabiyadda Golaha Wakiilladu. t. Goluhu fariisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga oo caadi ah sabab la’aan. 2. Markii ay dhacaan qaar ka mid ah ama dhamaantood arrimaha ku xusan faqradda 1aad xarfaha b iyo t, Madaxweynuhu wuxuu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo sugnaanshaha arrimaha ku xusan faqradda 1aad. 3. Markii ay u caddaato maxkamadda Dastuuriga ah gelidda faqrada 1aad xarfaha b iyo t, waxey Madaxweynaha u gudbinaysaa in ay sugnaatay eedeynta lagu soo oogay Golaha Wakiillada. 4. Madaxweynuhu marka uu helo caddaynta Maxkamadda Dastuuriga ah, wuxuu soo saarayaa go ’aanka kala dirista Golaha, wuxuuna ku dhawaaqayaa in Gole cusub lagu soo doorto muddo (45)casho ah gudohood.

Qodobka 67aad

KALSOONI KALA NOQOSHADA WASIIRADA

1. Golaha Wakiilladu wuxuu kalsoonida kala noqon karaa wasiirada mid, ka badan ama dhammaantood. 2. Kalsooni kala-noqoshada wasiirada waxaa soo jeedin kara ugu yaraan lix (6) Xildhibaan.

3. Ka doodidda mooshinka kalsooni kala-noqoshada Wasiirada waa in ay ogolaadaan ugu yaraan saddex meelood oo meel (1/3) xildhibaannada Golaha Wakiillada. 4. kala bar iyo hal (1/2+1) tirada xubnaha Golaha ayaa kalsoonida kala noqon kara Wasiirada. 5. Haddii cod kalsooni kala-noqosho uu meelmaro, Madaxweynuhu waa inuu magacaabo beddelka Golihii ama Wasiirkii codka kalsoonida waayey; Goluhu hawshiisu waa uu sii wadanayaa ilaa Gole cusub laga magacaabo, hase yeeshee ma bilaabi karaan barnaamij cusub. 6. Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu hal mar Golaha Wakiillada dib ugu celiyo magacaabista xubnaha Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayey. 7. Haddii ay Xukuumaddu dhacdo, Madaxweynuhu wuxuu 21 beri gudaheed Golaha Wakiillada ku horgeynayaa Xukuumad cusub si loo ansaxiyo.

 

Qodobka 80aad

AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNAHA

1. Madaxweynuhu waa madaxa Dawladda iyo Guddoomiyaha Golaha Fulinta, waana astaanta midnimada dadka Puntland.

2. Madaxweynuhu wuxuu mas’uul ka yahay ilaalinta diinta Islaamka, Dastuurka, Difaaca dalka iyo Qawaaniinta kale ee Puntland.

3. Madaxweynuhu waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

4. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu soo dhisayaa Xukuumadda 21 beri gudahood laga bilaabo marka la doorto. Madaxwynuhu wuxuu Xubnaha Xukuumaddiisa ka dhex xulan karaa Golaha Wakiillada iyo dadweynahaba.

5. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne Ku-Xigeenka, wuxuu awood u leeyahay in uu magacaabo ama xilka ka qaado Xubnaha Golaha Wasiirrada, madaxda hay’adaha madaxabannaan iyo madaxda kale ee Dastuurka ama shuruucda kale u ogolyihiin.

6. Madaxweynuhu wuxuu curiyaa ama ogolaadaa si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka, siyaasadda xukuumaddiisu fulinayso ee la xiriira waaxyaha maamulka guud.

7. Madaxweynuhu wuxuu galaa wada-xaajoodyada la xiriira shuruudaha Dawladda Puntland uga qayb galeyso Jamhuuriyad Soomaaliyeed ee Federaal ah, wuxuuna la saxiixayaa Dawladda Federaalka ah heshiis, kaasoo u baahnaan doona in laga ansaxiyo Golayaasha Xukuumadda iyo Wakiillada.

8. Madaxweynuhu wuxuu amraa, horana u mariyaa xiriirka caalamiga ah ee Puntland, wuxuuna ka xaajoodaa dabadeedna saxiixaa heshiisyada caalamiga ah.

9. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah u qaabilaa wufuudda ajnebiga ah ee Puntland soo booqda, wuxuuna u aqoonsadaa in ay marti dawladeed yihiin.

10. Madaxweynuhu wuxuu billado iyo shahaado sharafyo guddoonsiiyaa muwaadiniinta Puntland iyo kuwa ajnebiga ah ee mutaysta.

11. Wuxuu leeyahay fidinta saamaxaadda dembiyada siyaasadda iyo kuwa kaleba, marka uu helo soo jeedinta hay’adaha shuruucda ee ku shaqada leh, marka laga reebo Qisaasta iyo Xuduuda shareecada Islaamku jidaysay.

12. Madaxweynuhu wuxuu furaa, hadalna ka jeediyaa kalfadhiyada Golaha Wakiillada.

13. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer xaalad degdeg ah si uu uga hortago dhibaatooyinka cirib-dambeed-xumadu ka dhalan karto, sida: b. Musiibo dhacday, sida abaaro, duufaan, daadad, iwm. t. Dagaal sokeeye ama dagaal ay Dawladda Puntland ku dhawaaqday, ama j. Rabshado/kacdoon gudaha ah ee loola jeedo in lagu dumiyo jiritaanka Puntland.

14. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeerka xaaladda degdegga ah soddon (30) maalmood gudahood, isagoo horgeynaya Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo, sida uu qabo qodobka 29-aad ee Dastuurku.

15. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqaa taariikhda Hay’adda Doorashadu u astaysay qabashada doorashada.

16. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer qeexaya in la fuliyo shuruucda Golaha Wakiilladu gudbiyeen. Ma jiri karo xeer ka horimanaya sharci Golaha Wakiilladu gudbiyeen.

17. Madaxweynuhu wuxuu ku hawlgalayaa mas’uuliyadaha iyo awoodaha kale ee sharciga Puntland u ogolaanayo.

18. Madaxweynuhu markuu la tashado Madaxweyne ku xigeenka wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamada Sare.

19. Madaxweynaha wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha, Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Qodobka 82aad

EEDAYNTA IYO XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

1. Haddii Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu eedeeyo ku-xadgudub Dastuur, khiyaamo qaran iyo xil gudasho la’aan waxaa la marayaa habraaca soo socda:

b. Ugu yaraan waax (1/4) xubnaha Golaha Wakiillada ama Xeer-Ilaaliyaha Guud waa inay bilaabaan habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne KuXigeenka, iyagoo Golaha Wakiillada u gudbinaya caddeymaha eedeynta,

t. Ka doodida eedeynta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waa inay ogolaadaan ugu yaraan kala bar iyo hal (½ +1) tirada xubnaha Golaha.

j. Golaha Wakiilladu wuxuu ka baaraandegayaa eedaymaha la soo hordhigay, waxaana eedaysanaha la siinayaa fursad isdifaac.

x. Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka waxaa xil ka qaadis lagu samayn karaa markii si qarsoodi ah Golaha Wakiilladu ugu cadeeyo saddex meelood labo (2/3) tirada Xubnha Golaha. 2. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenku dalka kama maqnaan karaan muddo ka badan lixdan (60) beri, sabab la’aan.

 

Dastuurka Puntland, Dastuurkii 1998, Dastuurkii 2001, Dastuurkii u danbeeyay ee 2012 (Dhamaantan Halkaan ka eeg iyagoo PDF ah)