Baabuurtii Saaka Af-Urur Ay Alshabaab Ka Dhaceen Oo Lagu Arkay Burco Dusheeda, Iyo Warar Sheegaya In Ay Somaliland Lug Ku Lahayd

Filed under: Wararka |

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamadii saaka weerarkii Af-urur ee lagu sheegay alshabaab in laga soo abaabulay oo laga soo maalgalliyay somaliland isla markaana baabuur lagu sheegay 10 tikniko ah oo ay saaka alshabaab furteen qaarkood lagu arkay burco dusheeda.

Dadka xogtaan Puntlandobserver soo gaarsiiyay ayaa ku goodiyay in arrinkaas la isaga daba tagayo.

Dhanka kalena waxay raggaas xog ogaalkaa dhaliil usoo jeediyeen Madaxwaynaha Puntland oo ay sheegeen in uu meel kasta u dhiibay niman caan ahaa oo horay ururkii itaxaad uga tirsanaan jiray oo ay nimankaan alshabaab wahaabi isla yihiin oo ay si hoose iskula shaqaystaan.

Si kastaba ha ahaato shacabwaynaha Puntland ayaa maanta meelkasta oo ay joogaan u diyaar garoobay sidii ay isaga difaaci lahaayeen dadqalatadaan iyo wixii la jaal ahba.