Baaq ka soo baxay Beesha Cabdi Garaad ee Qurbe Joogta, oo ku wajahan dagaalkii magaalada Saaxdheer

Filed under: Wararka |

baaq

Baaq ka soo baxay Beesha Cabdi Garaad ee Qurbe Joogta, oo ku wajahan dagaalkii magaalada Saaxdheer

Hadaanu nahay qurbo joogta beesha Cabdi Garaad (Qayaad), waxaanu si murugo leh uga xunahay dulaankii qaawanaa ee ay ku soo qaadeen maleeshiyaadka SomaliLand magaalada Saaxdheer.

Arintaas ayaa qurbo joogtu kulan degdeg ah ka yeesheen, kakana doodeen sidii looga bixi lahaa xaalada maata ka taagan deeganadeena.
Waxa tolku isla qireen in aan cadow la’iska dhicin karin hadii aan loo mideysneyn, meelna looga soo wada jeedsan, daacad’na looga noqon halkanka iyo la dagaalanka cadowga, ciday doonaan ha noqdaane.

Hadaanu nahay qurbo joogta beesha Cabdi Garaad, diyaar baanu ula nahay muruq iyo maalba, in aanu ka qayb qaadano wixii looga bixi lahaa xaaladan ka taagan degaankeena khaatumo . Sidaa awgeed, waxaanu ugu baaqeynaa beeshayada iyo beel kasta oo ku abtirsata magaca Dhulbahante inay u diyaar garoobaan, kuna midoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen cadowga maanta kusoo duuley, dhulkoodana u xoreysan lahaayeen.
Waxaanu si gaar ah ugu baaqaynaa beesha cabdi garaad ee jooga wadanka inay uga qayb qaataan xaalada ka taagan wadankii garabwalba ooy tahay, hadey tahay midnimada iyo hadey tahay xoreyntaba. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa cidwalba oo beesha cabdi garaad wax ka tirsanayso, in hawshooda si degdeg ah loo xaliyo, maamulka khaatumo’na uu gacan geysto.

Waxa iyana beeshu ka dooday in eedeemo fara badan oo lagu faafiyey aduunka sida saxaafada, iyo goobaha kulamada telefoonada oo odhanaysa beesha cabdi garaad ayaa soo hogaamisey beesha isaaq isla markaana dhabar jabisey khaatumo.
Arintaas oo runtiii ah mid laga murugoodo, waxay beesha Cabdi Garaad ee qurbo joogtu sameysey baadhitaano dhan walba leh, isla markaana aad iyo aad u raadisey in beesha Cabdi Garaad, intey doonto ha leekaatee, wax lu’ga ku leeyeehiin.
Waxa noo soo baxdey, in aanay waxba ka jirin oo ay ku soo ururtey BEEN iyo Dacaayad la fidinayo, beeshuna ka qayb qaadan, kana suurtoobin inay falalkaas oo kale ku talaabsato.

Marka waxaanu ugu baaqaynaa, isla markaana ka codsanaynaa tolwaynaha joogey magaalada Saaxdheer, iyo madaxda iyo masuuliyiinta Khaatumo, inay noo soo bandhigaan hadii ay jiraan wax xog ah oo innaba beesha Cabdi Garaad ku lug leedahay arimahan, iyo falalkan foosha xun ee maanta lagu eedeynayo beesha Cabdi Garaad.
Hadeysan jirin taasi, waxaanu ugu baaqaynaa tolwaynaha beesha dhulbahante inay joojiyaan, kana waantoobaan falalkan iyo wixii la midka ah, ee beenta qaawan ah, oo dhaawaceysa midnimadeena, isku dhacna keeni karta.
Markii ugu horeysayna ma’aha ee been caynkan oo kale ah laga fidiyo beesha Cabdi Garaad. Mudo aan dheerayn bay ahey markii lagu soo duuley wiilal guryahooda iska jiifa, kadibna lagu fidiyey aduunka inay ku jireen goob dagaal, hadana soo beenoowdey.
Marka beentu waa xaaraan hadeynu muslin nahay, mana qumana in been laga sheego mushtamaceena, ama beesha Cabdi Garaad ha ahaato ama beel kale ha ahaate.

Wa Bilaahi Tawfiiq.
Beesha Cabdi Garaad ee Qurbo Joogta

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh
Mudane Maxamed Cabdi Oog. abdioogmohamed@gmail.com
Sweden

One Response to Baaq ka soo baxay Beesha Cabdi Garaad ee Qurbe Joogta, oo ku wajahan dagaalkii magaalada Saaxdheer