Baaritaan aan samaynay Gobollada & Degmooyinka Soomaaliya (1960-1969) ugu dhow cadaalad, waxaa wanaagsan in Degmooyinku masaafo la isla ogyahay isku jiraan

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Hadaad si fiican ugu fiirsatid hab dhismeedka ay Degmooyinka u qoondaysay xukuumaddii Siyaad Barre waxaa meesha ka baxaya wax xitaa cadaalad u dhow.

Si hadaba calaa aqali wax cadaalad u dhow loo helo waxaa wanaagsan haddii hanaanka degmooyinka wax lagu qaybsanayo in lagu qaybsado Hab dhismeedkii Hanaankii Gobollada & Degmooyinka Soomaaliya (1960-1969) oo wax badan cadaalad uga dhow midkii Siyaad Barre.

Halkaan ka eeg

Gobollada & Degmooyinka Soomaaliya (1960-1969) (1969-1991)

Hadiise la qaato hanaankii Degmooyinkii Xukuumaddii Siyaad Barre waxaa meesha ka baxaya wax xitaa cadaalad u dhow, waana jug jug meeshaada Joog.

Hadaad aduunka eegtid qaabka loo qaybsho Degmooyinka waa qaab baaxadda dhulka ku salaysan oo matalan waxaa la leeyahay 160 km waa in ay Degmooyinku isku jirsadaan, ama 80 km waa in ay isku jirsadaan Degmooyinku oo dhan kasta ah.

Waxaa kaloo la oronkaraa, dhulka wabiyada leh Degmooyinku ha isku jirsadaan 70 km, halka dhulka aan wabiyada lahayn la oron karo ha isku jirsadaan 100 km Degmooyinku.

Waxaa muhim ah wixii lagu heshiiyo oo laakiin cadaalad ah.

Hadaba si aad sifiican isugu barbardhigigtid midka daacaddda u dhow Degmooyinkii Siyaad Barre ka horeeyay oo la magacaabay xilli ay dadkoo dhan wada tashanayeen, iyo Dagmooyinkii uu Siyaad Barre kaligiis magacaabayay bal hoos ka eeg.

Somali_tribes_districts
Gobollada & Degmooyinka Soomaaliya (1960-1969) (1969-1991)
By Osman Dhiblaawe
Dalka Journal, wuxuu idiin soo bandhigayaa qaab dhismeedkii gobollada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliya si aad wax badan uga ogaataan ugana faa’iideysataan siday u dhisnaayeen iyo weliba sida ay hadda u dhisan yihiin.

Halkaan ka eeg maapka Degmooyinka Soomaaliya

Qaab-dhismeedkii Gobollada & Degmooyinka Soomaaliya (1960-1969)

A-Gobolka Hargeysa 5 degmo

Hargeysa
Berbera
Gebilay
Boorame
Saylac
B -Gobolka Burco 8 Degmo

Burco
Ood weyne
Sheekh
Buuhoodle
Ceerigaabo
Laas qoray
laas caanood

C- Gobolka Majeerteeniya 8 Degmo

Boosaaso
Qardho
Isku-shuban
Bandarbeyle
Caluula
Qardho
Garoowe
Eyl
D- Gobolka Ex Mudug 7 Degmo

Gaalkacyo
Hobyo
Jerriiban
Xarardheere
Dhuusamareeb
Ceelbuur
Ceeldheer
E- Gobolka Hiiraan: 2 Degmo

Beled weyne
Buulo Burte
F- Gobolladii Ex-Banaadir: 9 Degmo

Xamar
Balcad
Jowhar
Cadale
Afgooye
W/Weyn
Marka
Qoryooley
Baraawe
G- Gobolka Jubada Sare: 6 Degmo

Baydhabo
Buur-Hakaba
Xuddur
Diin-soor
Baar-dheere
Luuq
H- Gobolka Jubada Hoose 4 Degmo

Kismaayo
Jamaame
Jilib
Af-madoow

Isku dar 41 Degmo

Qaab-dhismeedkii Gobollada iyo Degmooyinka Soomaaliya 1969–1991kii)

A-Gobolka Awdal 4 Degmo

Baki
Boorama
Lug-haye
Seylac
B-Gobolka Waqooyi Galbeed 4 Degmo

Hargeysa
Berbera
Gebilay
C-Gobolka Tog-dheer 4 Degmo

Burco
Buuhoodle
Ood-weyne
Sheikh
D-Gobolka Sool 4 Degmo

Laas-caanood
Taleex
Ceynabo
Xuddun
E-Gobolka Sanaag 4 Degmo

Ceerigaabo
Laas-qoray
Ceel-afwen
Baran
F-Gobolka Bari 8 Degmo

Boosaaso
Bandar-beyla
Qardho
Isku-shuban
Qandala
Caluula
Baar-gaal
Xaafuun
G-Gobolka Nugaal 4 Degmo

Garowe
Eyl
Dan-gorayo
Bur-tinle
H-Gobolka Mudug 5 Degmo

Gaal-kacyo
Hobyo
Xarar-dheere
Jarriiban
Goldogob
I-Gobolka Gal-gaduud 7 Degmo

Dhuusa-mareeb
Ceel-buur
Ceel-dheer
Cadaado
Cabuud-waaq
Gal-hareeri
Balan-bal
J-Gobolka Hiiraan 5 Degmo

Beled-weyne
Buulo-burte
Jalalaqsi
Matabaan
Maxaas
K-Gobolka Shabeellaha Dhexe 7 Degmo

Jowhar
Bal-cad
Cadale
Aadan yabaal
Mahaddaay
Ruun-nirgood
War-sheikh

L-Gobolka Shabeellaha Hoose 9 Degmo

Marka
Af-gooye
Wanle-weyn
Qoryo-leey
Baraawe
Sablaale
Kurtun-waareey
Dajuuma
Aw-dheegle
M-Gobolka Jubbada dhexe 3 Degmo

Bu’aale
Jilib
Saakoow
N-Gobolka Jubada Hoose 5 Degmo

Kismaayo
Jamaame
Af-madow
Badhaadhe
Xagar
O-gobolka Baay 5 Degmo

Baydhabo
Buur-hakaba
Diin-soor
Qansax-dheere
Berdaale
P-gobolka Bakool 6 Degmo

Xuddur
Tayeegloow
Waa-jid
Ceel-berde
Yeed
Rab-dhuurre
Q-gobolka Gedo 6 Degmo

Garba-haarreey
Luuq
Baar-dheere
Beled-xaawo
Dooloow
Ceel-waaq
R-Gobolka Banaadir 17 Degmo

Xamar-weyne
Xamar-jajab
Boon-dheere
Waaberi
Wada-jir
Dharkeyn-leey
Hodon
Howl-wadaag
War-dhiigleey
10- Shibis

C/casiis
12- Kaaraan

13- Huriwaa

14- Dayniile

16- Yaaq-shiid

17- Shingaani

Isku dar waa 87 Degmo

W/D: Mursal

Dhanka kale Shax kale ayaa dhigaysa Degmooyinkii Siyaad Barre ka tagay waxay ahaayeen 92 halkaan ka eeg

Puntland Desk

2 Responses to Baaritaan aan samaynay Gobollada & Degmooyinka Soomaaliya (1960-1969) ugu dhow cadaalad, waxaa wanaagsan in Degmooyinku masaafo la isla ogyahay isku jiraan