Bahda Puntlandobserver oo Tacsi U Diraysa Eheladii Shacabkii Masaakiinta Ahaa Ee Isgoska Zoobe Muqdishi lagu gumaaday

Filed under: Wararka |

tacsi1

Bahda warbaahinta Puntlandobserver ayaa si guud waxay tacsi ugu diraysaa dhammaan ehalada shacabkii masaakiinta ahaa ee lagu gumaaday magaalada muqdisho.

Inkastoo shacabkaan masaakiintii muddo 40 sanno ah uu gumaad ku socday, hadana maalintii daraad wixii dhacay waxay ahayd musiibo xitaa ay umadaha aduunka ku nool ka argagagaxeen.

Hadaba haddaan nahay bahda warbaahinta P/O waxaan illaahay uga baryahaynaa in illaahay  u naxariisto oo janatul fardawso lowgu badello shacabkii gacmaha ka gardaran ay gumaadeen iyagoon cidna waxba ka gallabsan ee nolol maalmoodkooda la halgamaya.  kuwii ku dhaawacmay, kuwii hantidooda ku waayay, kuwii caruurtoodaku waayay, waalidiintood iyo eheladoodiiba ku waayay, illaahay dhammaantood samir iyo iimaan haka siiyo, kuwii ku geeriyooday illaahay waxaan ka baryaynaa in janno lowgu badello.