Barre hiiraalow Dawaco meeshay Macal ku baratay macaluul bakhtidaa (Falanqayn iyo Daawo Video Barre oo Dagaal isku diyaariyay)

Filed under: Wararka |

Barre waxaa haysata Maahmaahdii ahayd Dawaco meesha ay Macal ku baratay macaluul ugu Bakhtidaa.

Barre waa layaqaan in aanu Laandheeranimo iyo Kartida Beeshiisa aanu Kismaayo ku qabsan, ee sababta uu ku qabsaday ay ahaayeen Xirfado tira badan iyo Horgalnimo, iyo xiliga oo waagaas kaalmeeyay.

Beesha Barre Hiiraale ee Gobalada Dhexe haday Laandheere yihiin Deegaanada Gobalada dhexe ayay ka ceshan lahaayeen Dir iyo Cayr.

Soomaalidanaana Tiraahda Tiisaba daryeelaa tu kale ku darsada.
Waxaan ognahay Beesha Barre ee Caabudwaaq in maanta deegaankii ay dagi jireen intiisii badnayd xoog iyo baad looga cayrsaday iyadoo Laandheeranimo iyo karti loosheegtay, marka Barre kartida iyo Laandheeranimada uu ku faanayo muxuu deegaanka uu asal ahaan kasoo jeedo looga arki waayay, waakan isku tiirinaya Beelwaynta Daarood iyo Deegaan aynan beeshiisa gobalada dhexe aynan waligood iman.

Xili waxaa jirtay ay Indhacade iyo Cabdiqaasin ay ugu awood badnaayeen Koonfurta Soomaaliya, Indhcade iyo Cabdiqaasin iyo Gacmayowkale oo farabadan waxay isla garteen in uu Barre yahay Horgale ku haboon Aaga kismaayo, iyadoo laciyaarayo shaxda Qaybi oo xukun oo markaas lagu kala qaybinayo Beelaha Daarood.

Xiligaas waxaa kaloo kala Qaybsanaa Beelaha harti iyo Absame oo qudhoodu ay isku hayeen gacanku haynta Deegaanadaas.

Waxaa xiligaas socday Dagaalkii OLNF oo markaas ay Dawladda Ethiopia xasaasiyad ka qabtay Beesha ugaadeen in markaas Dekad lagu aaminikaro.

Arrimhaas iyo qaarkaloo badan oo is bahaystay ayuu Barre ku mutaystay horgale ku haboon oo ay Kooxda Cabdiqaasin iyo indhecade aamini karaan in Barre gacan lagu siiyo aagaas.

XILIGAAN WAA UU KA DUWANYAHAY XILIGAAS.
Xiligaan Deegaanada jubbaland shacabkii deganaa waxaa ka go’an in ay nolol samaystaan, in ay caruurtooda nolol iskuul u samaytaan, in ay samaystaan Maamul Xeer iyo Dastuur ku shaqaynaya oo dadka deegaanka ay u dhanyihiin.

Waa xili ay dadku doonayaan in ay Qabyaalad ka gudbaan oo nidaam iyo doorasho xor ah u gudbaan, waa xili sahcabka jubbaland ay doonayaan in ay Jubbaland ka dhigaan goob ruux kasta oo Soomaaliya aynan cidi ka xigin.

Waana xili ay garwadeen kayihiin Maamulka jubbaland beesha Sade ee Barre kasoo jeedo.
Waa xili dadkii Internet heleen oo la ogýahay in uu Barre yahay Horgale lagu adeegto, ee aan xitaa lahayn awood uu xitaa beeshiisa ugu adeegi karo, marka laga reebo in uu Caruurta Beesha Mustaqbal la’aan ka dhigo.

Dhanka Dagaalka.
Barre waxaa uu xiriir hoose la leeyahay Kooxda Alshabaab, iyo Saaxiibkiisii hore Indhacade oo ay isku balansadeen in Barre Aaga kismaayo ku habsado, Indhacadana Aaga Shabeelle ku habsado.

Xiligan Indhacade in uu Shabeelle ku habsado musaqbalka fog u suuroobi mayso oo qudhiisu dhalinyarada Beeshiisa ayuu mustaqbalka ka dhuminyaa, waayo xiligaan waa xili ay dadkii ilbaxeen oo xisaabtamyaan, waxaana marwalba kaa guulaysanaya dadka deegaanka oo marwalba kaa tirabadan, iskuna haysta in ay kaa xaq leeyihiin, halka ruuxa dhagarqabahaa uu walwalsanyahay aakhiro iyo aduunyaba oo aanu is aaminsanayn, waana xili ay dadka deegaanku ku tababarteen dagaaladii kooxaha Shabaab ay dadka bareen qaababka loola dagaalamo ciidamada xooga badan, marka xitaa ruuxa Taangiga wata haddii dadka deegaanku ay ku kacaan waxaa loo galayaa godad dhulka hoostiisa laga qotay oo markaas waxaa lalagalayaa baasuukayaal.

isku soo duub Barre hiiraale armay u haboonayd inta goori goortahay in uu iska fasaxo dhalinyarada uu Goobwayn ku xaraystay oo ku yiraahdaa umadiina dhinac karaaca, Barana iska tanaasulo oo markaan garawsado in xiligii is badalay.