BBC Oo Buun Buuninaysa Hurin Colaad Puntland Iyo Galmud Iyo Nabadoonkii Caabudwaaq Lagu Dilay Waxaa Ka Danbeeyay Ogaadeen Iyo Majeer ama dalalka dariska (Dhegeyso adaa yaabi)

Filed under: Important News,Wararka |

Aduunka casrigaa waxaa laga hagaa saxaafadda, dalkastaana waxaa ay inta badan horumarkiisu ku salaysan yahay hadba warbaahinta uu dalkaas leeyahay.

Nasiib darro warbaahinta Soomaalida ayaa noqotay halka Soomaaliya siyaasadeeda laga burburiyo, iyadoo ay maalmahaan aan wada arkaynay in dad reer miyiya lagu weerarayey Tignikaduu iyo ciidamdII dawladda federaalka oo internetka lasoo dhIgay askartii xirnaa dreeska DFS ayaynan halmar colaadaas ka hadal bbc iyo voa toona.

Sidoo kale waxaan haba yartee wax baaq nabadeeda ka soosaarin xukuumadda Galmudug ama wax la taaban karo oo dhaqdhaqaaq nabadeeda, halka ay Puntland dadaalo nabadeed waday.

Haddii xaal halkaas marayay, xalay ayaa magaalada Caabudwaaq waxaa ay dabley hubaysani ku toogteen laba nabadoon dadkalena dhaawaceen meeshiina ka carereen , waxayna durba bbc soo waraysatay nin ay malaha lacag soo siiyeen oo markaas ugu magacaaban Gudoomiyaha Caabudwaaq ee Galmudug iyadoo lawada ogyahay in uu jiro maamul Gobaleed ka madaxbanaan kan Galmudug oo caabudwaaq looga dhawaaqay.

Waxaa Soomaali oo dhan ka warhaysaa in meesha Nabadoonada iyo waxgatadka lagu gumoodo ay Puntland tahay waxaana loo badiyaa in ay ka danbeeyaan gacmo shisheeye oo adeegsanaya Alshabaab.

Qofkii caqligiisa ka shaqeeya qaabka uu weerarku u dhacay waa qaab ladoonayo in madaxda la isku galiyo reer Caabudwaaq waana siyaasadaha alshabaab iyo wixii la halmaama

Hadaba ninka ay BBC waraysatay ayaa yiri waxaan ka shakisanahay in ninka nabadoonkaa ay dilkiisa ka danbeeyeen dalalka dariskaa.

Qofkii hadalkaas dhagaysta wuxuu u qaadanayaa dalalka Kenya iyo Ethiopia.
Markaa ayuu ku ceshay oo yiri bal cadee maxaad ula jeedaa dalalka dariskaa.
wuxuuna yiri Puntland iyo Kililka Soomaalida oo uu ula jeedo beelaha Majeerteen iyo Ugaadeen
Hadiiba ay hadda beelihii Soomaaliyeed noqdeen dalalka dariskaa waa arrin uguba.
Hadiise uu ninka waraysiga siinaya hayo wax cadayna sida dad la qabtay ama wax kale oo cadayna sida ficilo horay u dhacay, laakiin hadalka buufiskaa oo hadana dhaqaha umadda lagu sii gurayo sow micnaheedu ma ahan hurin colaadeed

Marka BBC hasoo qaaadato qoriga oo ha iska dayso kalluumaysiga ciyaalka xaafadda.

Hoos ka dhegeySO WARAYSIGA

2 Responses to BBC Oo Buun Buuninaysa Hurin Colaad Puntland Iyo Galmud Iyo Nabadoonkii Caabudwaaq Lagu Dilay Waxaa Ka Danbeeyay Ogaadeen Iyo Majeer ama dalalka dariska (Dhegeyso adaa yaabi)

  1. Pingback: BBC Oo Buun Buuninaysa Hurin Colaad Puntland Iyo Galmud Iyo Nabadoonkii Caabudwaaq Lagu Dilay Waxaa Ka Danbeeyay Ogaadeen Iyo Majeer ama dalalka dariska (Dhegeyso adaa yaabi) - Daily Somalia Report