Beesha aadan C/raxmaan oo ku dhawaaqday magaca cidda u matali doonta barlamaanka Cusub ee puntland gaashaankana ku dhuftay wararka sheegaaya in odayaal wax saxiixeen

Filed under: Wararka |

DSC00613

DSC00618

DSC00628

DSC00632
Waxaa Maanta Magaalada Baargaal kadhacay kulan balaaran ay iskugu
yimadeen Waxgaradka ,Odayaasha ,Aqoonyahana iyo Dhalinyrada Beesha
aadan C/raxmaan ee Gudaha Magaalada Baargaal ,kulankaas oo lagu
shaaciyay si rasmi ah xubinta cusub ee beesha uga qayb galaysa
barlamaanka cusub ee Puntland, xubintaas oo magaceeda lagu sheegay
murwo Muxubo Cismaan guuleed .

Kulanka ay Maanta iskugu yimadeen qeybaha kala duwan ee beesha Aadan
C/raxmaan ayaa lagu caleemo saray looguna duceenayay Xildhibaanada
cusub ee Beesha aadan C/raxmaan u mataleysa Baarlamaanka puntland
Murwo muxubo cismaan guuleed.

Odayaasha iyo Wax garadka ka hadlay Kulanka ayaa si weyn u taageeray
una bogaadiyay Xildhibaanada Cusub ee la rajeenayo in ay qeyb kanoqoto
Baarlamaanka Cusub ee Puntland ,iyagoona ugu duceeyay in uu ilaah la
garab galo xilka cusub ee loo igmaday.

Dr. Axmed yuusuf Muuse oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Beesha
aadan C/raxmaan isku raacsanyihiin in Murwo Muxubo cismaan Guuleed u
matasho Xubinta Baaralmaanka puntland ,waxa uuna intaa raaciyay in ay
taageersanyihiin ayna garab taaganyihiin

Cabdikariin Maxamed Aadan oo isna kamid ahaa odayaashii ka hadlay
madasha ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ay hawshani soo
martay asagoo tusaale u soo qaatay in xubnihii hore ee barlamaanka
puntland uu faroole dhamaan xisbiga horseed ka dhigay ilaa hawshaasi
burburtay oo dhiigu ku daatay, wuxuu intaasi ku daray in saxiixyada la
sheegaayo in la gudbiyay inta aan lakala dirin xubnihii hore ee
barlamaankii waqtigiisu dhamaaday ay yihiin waxba kama jiraan aan
beeshu waxa kala socon aana ka tarjumayn rabitaanka iyo danaha beesha.

Waxaa sidoo kale kulanka intii uu socday khadkaTelfoonka kaga soo qeyb
galay Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
asagoo ballan qaaday inuu taageeraayo qofkay beeshu ku heshiiso oo
isku raacdo maadaama ay ayadu xaq u leedahay inay soo gudbisato
xubinteeda

Gabagabi;dii Kulanka ayaana loogu duceeyay Xildhibaanada kmid
noqoneysa Baarlamaanka Cusub ee puntland Murwo Muxubo Cismaan
iyagoona ilah ugu baryay in uu la garab galo xilka cusub ee loo
caleemo Saaray

Maxamed Ibraahim Axmed

One Response to Beesha aadan C/raxmaan oo ku dhawaaqday magaca cidda u matali doonta barlamaanka Cusub ee puntland gaashaankana ku dhuftay wararka sheegaaya in odayaal wax saxiixeen