Beesha Daarood oo aad moodid in uu dagaal dahsoon ku socdo wixii dagaalkii labaad ee aduunka ka danbeeyay (Maqaal kooban)

Filed under: Wararka |

Dagaalkii labaad ee aduunka hadaad u fiirsato, waxaa ku hardamayay laba Quwadood, Talyaaniga Jarmaka iyo Japan oo dhan ah, iyo Ingiriiska, Maraykanka iyo Faransiiska iyo Ruushka oo dhan ah.

Beesha Daarood ayaa la safnayd xulufadii Talyaaniga, halka ay Beelaha Isaaqu la safnaayeen Xulafadii Ingiriiska.
Markii laga adkaaday Xulafadii Ingiriiska Beesha Daarood oo Talyaaniga la safan waxay Qabsadeen illaa Ethiopia.

Halkaan ka eeg qayb kamid ah xogtaas

Markii laga adkaaday Xulafadii Talyaaniga iyo Jarmalka, waxaa uu Ingiriisku soo Hubeeyay Beelaha Isaaqa waxaana dhul aad u ballaaran laga qabsaday Beesha Daarood.

Ingiriisku wuxuu Qaybshay Deegaanadii Daaroodka wuxuuna u kala qaybshay sidatan,

Ugadeen wuxuu hoos geeyay Ethiopia
NFD wuxuu Hoos geeyay Kenya

Dhanka kalena Waxaa Soomaaliya Caasimad looga dhigay Muqdisho, Caasimadda labaad Hargaysa, waxaana meesha ka baxay in ay Beesha Daarood wax Magaalo ah oo wayn yeelato.

1991 waxaa lagu sameeyay Beesha Daarood Xasuuq, Xasuuqaas Beesha Caalamka marna kama aynan hadal, waana su aal is waydiin mudan sababta ay Beesha Caalamku Xasuuqaaas uga gaabsatay.

2015 waxaad Mooddaa in Xulafadii Ingiriisku ay wali dagaal hoose ku hayaan Beesha Daarood si dadban loo taakulaynayo Beelaha Irirka ee muqdisho iyo Hargaysa, waxaanad arkaysaa sida Beesha Isaaq lowgu garab siinayo in ay Boobto Deegaanada Beesha Daarood ee hartiga, oo aad arkayso in Mushaaradka Soomaaliland ay siinayso maleeshiyaadka Horgalayaasha ay dhiibayaan Beesha Caalamku.

Halkaan ka eeg Axmed Cawad Casharo oo arrinkaas sifiican u qeexay in Beesha Caalamka ay dhiibaan Mushaaraadka Horgalayaasha la siiyo

Si kastab ha ahaato, waxaad mooddaa in cadaalad darada ay Qabaa-illada Soomaalidu dhexdooda isku hayaan ay meesha ka saarayaan mustaqbal ay yeeshaan Shacabka Soomaalida.

Maxaa xal ah.

Xalku wuxuu ku jiraa in Deegaanada Beesha Daarood faragalinta laga Daayo.
In ay Beelaha irir Deegaanadooda ku ekaadaan inta Soomaaliya xal looga helayo.
In laga shaqeeyo Dariswanaag iyo wax wada qabsi.
In Beesha Caalamka ay garowsadaan in aynan hadda Beelaha Daarood wax dhib ah wadin, in aynan Beelaha Daarood Alshabaab La shaqaysan ee Beelaha Daarood ay doonayaan Nabad Waarta oo caalamka ka islaaxda.

One Response to Beesha Daarood oo aad moodid in uu dagaal dahsoon ku socdo wixii dagaalkii labaad ee aduunka ka danbeeyay (Maqaal kooban)