Boosaaso: 1200 oo qoxooti ah oo kasoo qaxay dagaalada Yemen

Filed under: Wararka |

Waxaa maalinta shalay magaalada Bosaso soo gaaray dooni sida qaxootigii ugu badnaa oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo cararay dagaalada hala keeyay dalka aan nahay deriska ee Yemen, qaxootigaan oo tiradooda lagu qiyaasay 1200 oo ruux ayaa iskugu jiray rag, dumar, carruur, dhalinyaro iyo dad da’ah, waxaana ay u badnaayeen caruur iyo dumar.

Dadkan oo qaarkood ay qabeen xanuuno kale duwan, waxaa gurmad aan kala har lahayn kala hortagay qeybaha bulshada magaalada Boosaso iyo maamulka oo is kaashanaya, waxana laga horgeeyay biyo, cunto iyo daawo, intii xanuunsanaydna isla markiiba waxaa loo gudbiyey xarumaha caafimaadka ee magaalada Bosaso.

Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo saxaafadda kula hadlay gudaha dekadda ayaa sheegay in qaxootigan loo gudbin doono xarumo loogu tala galay ilaa laga gaarsiinayo goobihii ay ku wajahnaayeen. isagoona intaas raaciyay in badan oo dadkan kamid ah in ay ka soo jeedaan deeganada Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Cabdulaahi Qoobdeero oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si wanaagsan ay u soo dhaweeyeen qaxootiga dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.