Boqor Buurmadow oo ka dhawaajiyay dhibkii ay usoo mareen markii ay Kursiga Siilaanyo la raadinayeen

Filed under: Important News,Wararka |

Boqor Buurmadow Suldaanka Guud ee Baasha Habarjeclo, isla markaana ah ragga ugu culus inta Afsoomaaliga ku hadasha oo ah Isim Maqrib Mashriqba aad looga qaymeeyo xigmadiisa ayaa ka dhawaajiyay hadal xaqiiqda ka hadlaya marka laga hadlayo waaqiciga dhabtaa ee ay Maanta Soomaali ku sugantahay.

Boqor Buurmadow ayaa si daacadda uga sheekeeyay Xiligii ay Beesha Habarjeclo la raadinaysay Kursiga Madaxwayne Siilaanyo in ay dhib badan usoo mareen oo ay gaareen heer ay Guryahooda dal iyo dibadba xaraashaan iyo Heer ay macaa Dahabkii Haweenka Iibshaan.

Boqorka ayaa hadalkaan u cadeeyay Beelaha Kursiga doonaya in aan kursi ciyaar ciyaar lagu helin, waliba wuxuu hadalkaan ku socday beesha Habaryoonis laakiin waa hadal dhamaan Soomaalida maanta si dadban xaaladda asalkaa ugu bayaaninaya.

Inkastoo loo baahanyahay in xaaladdaaas laga gudbiyo Soomaali hadana Nasiib daro waa xaaladda asalkaa ee ay maanta Soomaalidii ku sugantahay Very Sorry.