Bosaso: Gole iyo Goob Somaliweyn Wada Leedahay iyo Garasha Xumida Gallan

Filed under: Articles,Wararka |

Bosaso: Gole iyo Goob Somaliweyn Wada Leedahay iyo Garasha Xumida Gallan (Diyaariye cusmaancumar@gmail.com)

Bosaso – Waa (propertiga) Hantida ummadda Somaliyeed – Guddoomiye Dhedo.
cusmaancumar@gmail.com

Guddoomiyaha Gobolka Bari (Dhedo): Halkaan waxaa weeye, degmada Bosaso inta ku nool ma leh, gobolka Bari ma leh, Puntland ma leh, Somali weyn baa waddadaa marta. Waa property (hanti) somaliyeed oo layna kula xisaabtamayo. Waa property (hanti) Somaliyeed oo inta kale ee Somaliyeed ay nala wadaagto. Markaa in qofna si gaara iyo dan gaar ah uu u burburiyo…… loo dul qaadan mayo.
Gallan, Guddoomiyihi hore ee Gobolka Bari: (dulucda hadal uu yiri ka hor intuu baxsan, markuu rashadaha abaabulayey) – Gobolka Bari waxaa xaq u leh Reer Bari kaliya. Shaqo iyo fursad ganacsi ama maalgashi waxey uggaar tahay Reer Bari. Kuwa ka yimid Mudug, Nugaal, Sanaag, Sool ama Karkaar meeshooda ha ku ekaadaan.
Midna waxuu dhisayaa qaabkii ummadda Somaliyeed isugu iman laheeyd oo wax u wadaagi laheeyd – kan ka yimid Bay, Bakook, Gedo ilaa Looya Cadde. Waa Mudane Dhedo.

Ninna waxuu kala soocayaa jifooyin hoose oo wada dhashay oo deegaan wadaaga, iskaba daa inuu Somaliweyn soo urursho. Waa kaaf iyo kala dheeri. Kala garaad roon. Kala garasho fog. Kala hoggaan duwan.

Guddoomiyihii hore, Mudane Gallan, waxuu maamulayey gobolka Bari muddo ku dhow 6 sano. Somalida gudaha iyo dibaddaba waxaa loo heeystay shaqsi u heegan ah danta ummadda. Dibad iyo gudaha dalka wuu sharfanaa.
Maruu tegay Zambia waxaa si hagar la’aan ah oo kal iyo laab ah usoo dhaweeyey dhammaan jaaliyadda Somaliyeed ee deggan Zambia. Jaaliyaddaasoo u badan hantiilayaal ka yimid Mudug. Gallan waxaa lagu maamuusay soo dhoweeyn udhiganta mid lagu sharfo madaxweyne, ama wasiir ama xildhibaan Somaliyeed.

Waxaa sooryo loo siiyey Gallan hanti gaareysa US$20,000. Afar dalool seddex hantidaa waxaa baxshay ganacsatada reer Mudug. Inta soo hartayna waxaa keenay jaaliyadaha kale. Gallan waxaa soo dhoweeyn loo geeyey labada magaalo ee ugu weyn Zambia oo kala ah Lusaka iyo Ndola. Gadiid iyo hooyba waxaa u heellanaa jaaliyadda. Maamuuskaa iyo qaddarintaa ay fidisay jaaliyadda Zambia waa sharaf ay u hayaan shaqsi kasta oo Somaliyeed oo xil dalka kasoo qabtay, kuna howlan wada jirka Somaliweyn. Laakiin Gallan ma garan taa. Mana garowsan wanaagga midnimada Somaliyeed.
Jaaliyadda Somaliyeed ee Zambia waxaa sidoo kale ay u soo dhoweeyeen Dr Cabdiweli Gaas (Madaxweynaha Puntland) iyo wasiiro iyo xildhibaanno badan. Jaaliyadda Zambia waxaa door aad u ballaaran ay ka qaadataa horumarinta siyaasadda ee waddanka oo idil gaar ahaan Puntland.
zampia gaalen mudug

Gallan waxaa loo arkayey siyaasi aragti fog leh oo walaaleeyn kara ummadda Somaliyeed oo muddo kala irdheysneed. La mood noqonse weeydey.

zampia gaas
Waxaa habboon in siyaasi kasta ama hawlwadeen kasta garto in xilka uu hayo haddii uu banneeyo ama laga qaado uu sii wado masuuliyadda ka saran dalka iyo dadka. Daneeysi in laga fogaado. Waa arrin foolxun in la eego dan gaar ah kaliya – maxaa iigu jira oo dani ii ah??

Maanta adaa xilka haya, berrina waxaa loo idman karaa walaashaa ama walaalkaa. Taa ha la ogaado.
Waa fool xumo goorta lagaa qaado xilka inaad mooryaan noqoto, oo caadifad qabiil iyo toleeysi maatada ku kiciso.

(Diyaariye cusmaancumar@gmail.com)