Bossaso: Warbixin dhismaha Garoonka Diyaaradaha & iyo Xukuumadda Dr Cabdiraxmaan Faroole oo amaan balaaran ku heshay Hirgalinta Dhismaha Garoonka Diyaaradaha

Filed under: Wararka |

puntland

Wakhtigii wuxuu ka dhamaaday Xukuumada Gen. Cade Muuse iyadoo aan dhamaystirin Terminal-ka Garoonka Boosaaso wax qorshe ahna aan u haynin dhismaha Dhabaha diyaaraduhu ku cararaan (Runway) .

Markii ay Xafiiska la wareegtay Xukuumada Madaxweyne Dr. Cabdiraxamaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) waxay dadaal u gashay sidii loo dhamays tiri lahaa Garoonkaas iyadoo ku guulaysatay inay dakhliga Dowladda ka qabyo tirto Terminal-kii mudo kooban gudaheed.

Dhabaha Diyaaraduhu ka haadaan (Runway).

Marnaba Dowladu kama seexan dhamaystirka Garoonka Boosaaso koobnaanta Dakhliga soo gala Xukuumaduna ma ahayn mid saamaxayey, Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay oo wakhti lagu bixiyey sidii loo heli lahaa kaalmo caalami ah sida uu sheegayo Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac .

“Dowlada Telyaanigu waxay mashaariic isugu jira Wadooyin, Deked & Garoomo ka waday Puntland laakiin nasiib xumo mashaariicdii oo qaarkood aan la bilaabin qaarkoodna qabyo yihiin ayey dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991 sidaa darteed waxaanu isku daynay in aanu la xiriirno Dowlada Telyaaniga si ay dib ugu bilowdo mashaariicdii ay ka waday Goboladii Waqooyi bari Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiir Faarax.

Wuxuu ku sii daray hadalkiisa in Bishii Aug, 2009 ay kula saxiixdeen Magaalada Gaalkacayo heshiis Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid heshiiskaas oo dhigayey in Dowlada Puntland si madax banana ugala hadasho DalkaTelyaaniga sidii ay dib ugu bilaabi lahaayeen mashaariicdii ay ka wadeen Puntland ka hor burburkii Soomaaliya laakiin uusan heshiiskaasi hirgelin kadib markii ay carqalad ku fureen Xubno ka tirsanaa Xukuumadii Midnimo Qaran oo taageero ka haystay Madaxweyne Shiriif Sh. Axmed.

“Kadib markii uu dhaqan geli waayey heshiiskii aanu la galnay Xukuumadii TFG, bartamihii sanadkii 2011 Madaxweyne Faroole wuxuu kula kulmay Magaalada Nairobi Safiirka Dowlada Telyaaniga u fadhiyey halkaas kaas oo uu kala hadlay sidii uu dalkiisu dib ugu soo celin lahaa mashaariicdii ay ka wadeen Puntland kulankaas oo dhabada u xaaray in Madaxweynuhu booqdo Roma” Ayuu sii raaciyey Wasiir Faarax.

Sida uu cadeeyey Wasiirka Maaliyada Puntland oo la hadlayey Maanta Warsidaha Garowe Online Weftiga Madaxweyne Faroole oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro ka tirsan Puntland & Xildhibaan Cabdirisaaq Juurile waxay kala hadleen Telyaaniga sidii loo soo celin lahaa mashaariicdii Puntland laakiin Dowlada Telyaanigu waxay sheegtay inaysan u haynin wax lacag ah balse ay jirto lacago kale oo ay u hayaan Soomaaliya kuwaasna ay u soo wareejinayaan dhinaca Puntland si loogu dhiso Garoomo diyaaradeed.

Kaalintii Raysal Wasaare Gaas.

Markii Xukuumada Puntland ka soo dhaadhicisay Dowlada Telyaaniga inay dhisto Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa loo baahday in ogolaansho laga helo Dowlada Federaalka Soomaaliya si ay u soo fasaxaan in dhaqaalaha loo hayo Soomaaliya mashaariic loogaga fuliyo Puntland markaas ayuu Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo ahaa wakhtigaas Raysal Wasaare Warqad u qoray Telyaaniga.

“Nasiib xumo Dr. Gaas wuxuu dhabarka ka jebiyey guushii Puntland soo gaartay wuxuuna amray in lacagtii ay haysay Dowlada Telyaanigu loo kala qaybiyo Puntland & Gobolo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya (Shabeelada Dhexe & Hiiraan) ma garanayo wuxuu sidaas u yeelay balse waxaanu u qaadanay inay qayb ka ahayd ololihii uu ugu jiray sidii Madaxweynaha Soomaaliya loogu dooran lahaa uuna kalsooni kaga raadsanayey Siyaasiyiinta Reer Koonfureed” Ayuu ku sii daray Wasiir Faarax hadalkiisii.

Waa waxba kama jiraan.

Wasiirka Maaliyadu wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay inay Xukuumadu ku hawlan tahay sidii ay u lunsan lahayd dhaqaalaha lagu dhisayo Garoonka Boosaaso & inay shirkad ay la leeyihiin xiriir hoose siinayaan qandaraaska .

“Ma lunsan doono hantida Garoonka waana naga go’antahay in aan siday tahay u dhisno mana jirto shirkad aanu gaar ula jecelnahay inay qaadato qandaraaska waxaana idiin cadeynayaa in Kooxda bixinaysa Qandaraaska ay Dowladu ku leedahay 2 xubnood oo keliya intooda kalena ay ka imaanayaan Hay’adaha Qaramada Midoobay & Dowlada Telyaaniga oo mashruucan noogu deeqday” Ayuu yiri Wasiir Faarax isagoo ka jawaabayey warar been abuur ah oo ay faafiyeen warbaahinta qaarkeed .

Isagoo sheegay in aanay wax dib u dhac ah ku iman doonin duulimaadyadii tegi jiray Boosaaso mudada ay socoto shaqaduna si ku meel gaar ah loogu sii wareejin doono Garoonka qayb ka mid ah oo ay hada isticmaalaan Ciidamada La dagaalanka Burcad badeeda ee Puntland .

Maxaa la filan karaa.

Dadweynaha reer Puntland waxay ku qabeen dhibaato weyn maqnaanshaha garoon caalami ah oo ku xira dunida inteeda kale taas oo dib u dhac ku keentay isu socodkii Dalka & Dibada sida uu leeyahay Cabdisamed Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo horay u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Puntland xiligii Gen. Cade Muuse hadana ah Ganacsade ku nool Magaalada Dubai.

“Waxaan deganahay oo ka ganacsadaa Dubai dalkii waxaa igaga xiran arrimo badan anigoo jecel in aan markasta booqdo laakiin wakhtigan wadad loo marayo dalkii wa mid dheer mararka qaar waxaad waayeysaa inaad hesho diyaarad tagta Puntland waxaadna ku khasbanaanaysa inaad Berbera ka raacdo Gaari taasina wa safar dheer oo rafaadkiisa leh” .

Wuxuu intaas ku sii daray inay tahay talaabo horay loo qaaday dhismaha Dhabada diyaaraduhu ku cararaan ee Garoonka Boosaaso hadii ay hirgashona wax badan ka tari doonto Dhaqaalaha, Isu socodka & Haybada Wadanka.

“Waan ku bogaadinayaa Xukuumada Madaxweyne Faroole dadaalka ay ku dhisayso Garoonka Boosaaso waana mashruuc qayb libaax ka qaadan doona horumarka dhaqaalaha Dalka” Ayuu ku sii daray hadalkiisii Ganacsade Abwaan .

Walaac jira.

Sida uu u sheegay Warsidaha Garowe Online Shiine Culay oo ka faalooda Arrimada Puntland wuxuu qabaa walaac ah in mashruucan siduu yahay loo fulin waayo ama la carqaladeeyo hadii Xukuumada Madaxweyne Faroole ku guulaysan weydo doorashooyinka Madaxtooyada Puntland 8 Jan, 2014 .

“Mashruucu wuxuu ku soo aaday xili xasaasi ah oo Dalka looga diyaar garoobayo doorashooyin Xukuumaduna ma haysato wakhti ay ku dhamaystirto keliya hada waxay ku soo guulaysatay inay soo hesho lacagtii qandaraaskiina baahiso laakiin anigu waxaan ka welwelsanahay hadii Maamulka loo doorto Hogaan cusub 8 Jan, 2014 in la fulin waayo ama carqalad lagu furo mashruucan” Ayuu yiri Shiine Culay oo badanaa wax ka qora kana faalooda Arrimaha Puntland.

Wuxuu sabab uga dhigay welwelkiisa “Waad la socotaan oo Dalka kama jiro nidaam Dimuqraadiyadeed oo degan kaas oo suurtagelinaya in qorshe kasta sidiisii ku sii socdo Baarlamaankuna wuxuu soo doortaa Madaxweyne & Ku xigeenkiis oo keliya aana la saadaalin karin waxay la imaan doonan khasaare & faa’ido waxaana ka welwelsanahay hadii ay yimaadaan masuuliyiin cusubi inay carqaladeeyaan mashruucaas”

Shiine Culay wuxuu qabaa si loo hubiyo in mashuucan sida ugu fiican loo fuliyo loogana fogaado fashil ku yimaada in Xukuumada mar kale Xafiiska loo soo doorto fursadna loo siiyo sidii ay u dhamaystiri lahayd shaqooyinka qabyada ah ee ay gacanta ku hayso intii codka la siin lahaa hogaamiyayaal cusub oo aan xogogaal u ahayn waxa Dalka ka socda mudo dheerna ay ku qaadan doonto sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen bulshada caalamka.

“Talaabada Xukuumadu qaaday waa mid bogaadin mudan oo qayb ka ah dadaalka ay ugu jirto horumarinta Dalka waxayna dhabar jab ku tahay raga mucaaradka ah oo iyagu ku mashquulsan sidii ay bulshada ugu jaahwareerin lahaayeen dacaayado raqiis ah si ay kalsooni uga kasbadaan uguna guulaystaan doorashooyinka Madaxtooyada” Ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa qayb ka ah Horumarka ay Xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud ka gaartay dhinacyada Arrimaha Dibada, Amaanka, Adeegyada Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha & Horumarinta Guud ee Dalka dhamaantoodna waa fursado dhabada u xaaraya inay ku guulaysato doorashada Madaxtooyada ee lagu wado inay dhacaan 8 Jan, 2014.