Buluf Waa Ogyahay in ‘Puntland Cadaalad Ka Jirto Iyo In Kale’

Filed under: Wararka |


Buluf Waa Ogyahay in ‘Puntland Cadaalad Ka Jirto Iyo In Kale’

Waxaa jira nin daba dhigtey qoraal aan qoray oo ku saabsanaa is qabqabsigii Jubbooyinka, oo aan cinwaan uga dhigay “JUBBALAND MA EEDAY KU DARSIGA GEDO”. Qoraalkaas oo ku saabsanaa qodob aan maqlay, kana mid ahaa qodobadii uu Madaxewaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya soo jeediyey oo ah in “GEDO lagu daro BAY iyo BAKOOL” waqtigii ay Dowlada Federaalka ee Soomaaliyeed iyo Maamulka Jubbaland ay waanwaanta u socotey. Inkasta oo aanan hayn xaqiiqada hadalkaas, maxaase ku jaban in GEDO lagu daro BAY iyo BAKOOL hadii dadka reer GEDO sidaas rabaan.

Ninka qoraalkayga wax ka qoray, waxa uu xusay arimo badan oo cadaynaya sida hadalkiisa iskaga hor imaanaayo.

Marka hore, ma rabo in aan magaciisa sheego, mana rabo in aan cayilkiisa, hadii uu yahay calal, hadii uu yahay cayr iyo afdheeraantiisa wax ka iraahdo sida ciradayda uu wax uga sheegay aniga oo xaq dhowraaya qaymaha edebta qorayaasha, laakiin waxaa rabaa in aan wax ka dhaho labo arin oo aad iiga yaabiyey, ahna qodobada uu ku saleeyey qoraalkiisa.

Mida hore – waxaa uu yiri “Soow dadka dhulkaas ku dhaqani Isir, Dhaqan iyo Ood wadaag ma aha? Asiga oo ula jeeda in dadka Gedo ay Isir, Dhaqan iyo Ood wadaag yihiin dadka Jubbooyinka marka loo eego dadka BAY iyo BAKOOL.

Waxaa halkaas ka cad in uu leeyahay GEDO ha lagu daro ciday isku ISIR, DHAQAN iyo OOD WADAAG yihiin. Waxuuse hilmaamay in sidoo kale ay GEDO ISIR, DHAQAN iyo OOD WADAAG yihiin daka BAY iyo BAKOOL ku nool madaama ISIRKA dhabta ah uu yahay DIINTA na walaaleysa, waxaa uu soo qaatey axaadiis, laakiinse waxaa uu hilmaamay in axadiista ka hadlay in “Muslinka oo dhan walaalo yihiin”. Diintii ayuu u isticmaalay sidii “LA JIIFIYO BANAAN, LA JOOJIYO BANAAN”

Sidoo kale, waxaa uu hilmaamay in uu asiga Qabiilka ku saleeyey arinta GEDO iyo JUBBOOYINKA maxaa yeelay Federaal qabiil lagu sameeyey hadii uu shaqaynaayo, waxaa ku degi lahayd PUNTLAND oo ay dadkeeda qaar sheegtaan SOMALILAND, qaarna sheegtaan PUNTLNAD, kuwo kalena ay hadal hayaan KHAATUMO. Maxaase ku jaban hadii dadka reer GEDO oo inta badani laga yaabee rabaan in ay ku biiraan BAY iyo BAKOOL loo daayo in ay meesha ay rabaan ku biiraan.

Mid labaad, hadaladiisa waxaa ka mid ahaa in uu yiri “Soow kaa C/weli ‘dadkii isu soo jiidaya ee qoqobnaanta iyo qabyaaladda ka door biday isku duubnida iyo horumarinta gobolladaas” Abdiwali hadii uu samo ka shaqaynaayo, howshiisa ALLAH ha la garab galo, laakiin waxaan ogahay in Abdiweli hortiis aysan SOMALILAND iyo PUNLAND is hor fadhin. Mida kale, ninka isku duubnida iyo cadaalad ku sheegay PUNTLAND ciduu yahay wuu cadaystey. Waxuusan is weydiinin in Afar madaxwayne oo soo maray PUNTLAND ay dhamaan hal jufo ahaayeen, kuwa doorateyna ay shuraako ku ahaayeen xaqdarada ay la duntay BOOSAASO. Waxaanse aqaan ninka ay hada u gogol xaaraayaan in uu noqdo madaxwaynaha PUNTLAND oo ah kuwa sida gaarka uga faa’iidey PUNLAND iyaga oo lagu maaweeliyo SOMALILAND ma tahiin.

Marka Buluf waa nin reer SOOMAALANDI ah, waa nin reer PUNTLANDI ah, waa nin reer JUBBALANDI ah, waa nin reer GALMUDUG ah, waa nin reer KOOFURGALBEED ah, waa nin Muqdisho ku dhashay, kuna korey Kismaayo, waa nin SOOMAALI ah, oo Afsoomaali ku hadla oo aan meelna meel uga duwanayn dhulka dadka Afsoomaaliga ku hadla degaan.

Waa qalinkii: Mohamed Barre – junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, ee dalka Maraykanka – junlay99@aol.com