Caasha geelle oo iska casishay xilkii Gudoomiye dib u eegis dastuur(Dhgeyso sababta)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

caasha geele
Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka Caasha Geele Diiriye ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqday inay iska casishay xilkii ay ka haysay gudiga.Caasha Geele ayaa sababaysay sababta ay isaga casishay xilkan waxaana sababihii ay sheegtay ugu muhiimsan khilaaf ay ku sheegtay dowlada dhexdeeda iyo dhaqaalihii uu gudigu howshiisa ku qaban lahaa oo aan ilaa iyo hada la helin.

Waxay sidoo kale sheegtay inay shaqada gudiga ay caqabad ku noqdeen daneeyayaal badan oo aan isla socon qorshayaal kala duwana kaleh dib u eegista datiirka.

Barnaamijka dib u eegista dastuurka ayaa la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo ka hor inta aan la gaadhin doorashada dalka ee 2016 lamana oga saameynta ay is casilada guddomiyuhu ku yeelan doonto barnaamijkii dib u eegista dastuurka kumeel gaadhka ah ee Somalia.