Cadaalad Darada Jubba Airways Oo Loo Badinayo Madaxda Dalka In Ay Laaluush Ka Qaataan

Filed under: Important News,Wararka |

Dulmi kasta oo shacabka masaakiintaa ee Soomaalida ku dhaca marka daba gal lagu sameeyo waxaa la soo helaa in uu lug ku leeyahay nin ay Soomaalidu mansabkooda u dhiibteen oo in uu u waardiyeeyo ku aamineen, kuna sharfeen hadduu rabo wasiir ha noqdo.

Laakiin waxaa loo badinayaa sababta ay Jubba-airways waxay rabto Puntland uga samayso in aynan ka marnayn madaxda Puntland oo lacagta shacabka masaakiintaa la saaro qaybtooda qaata sidaasna ku qanacsan, maadaama calaa madax komishinkooda la siiyay.

Haddii aynan madaxda dalka ugu saraysa komishinkaas wax ka qaadan, waa in ay dabagal ku sameeyaan kuwa ka hoose, balse hadday ka aamusaan kuwa ugu sareeya, taasi waa cadahay in ay kuwa ugu sareeya komishinka qaataan.

Waxaan xasuusanaa 4000$ ee xajka dadka masaakiintaa laga qaadi jiray in Xasan Sh wax ka qaadan jiray komishinka Jubba-airways.

Halkaan kilig garee oo ka eeg illaa 2013 puntlandonserver.com oo daabacayay cadaalad darada Jubba-airways.

Ama

Halkaan ka eeg qoraladii aan P/O ku daabacaynay muddo dheer ee ku saabsanaa xaqdarada lacagta xajka

One Response to Cadaalad Darada Jubba Airways Oo Loo Badinayo Madaxda Dalka In Ay Laaluush Ka Qaataan