Cadaawadda xildhibaanadu shacabka u qaadayaan oo soo kordhaysa iyo kacdoon shacab oo xildhibaanada ka dhan ah oo dareenkiisu socdo

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Mushkiladda ugu wayn ee maanta shacabka Soomaalida haysata waa wakiila isku sheegga Golaga Sharci dajinta oo iimaankii beelay.
MAANTA WAXAA LA GAARAY XILIGI LALA XISAABTAMI LAHAA XULDHIBAANADA SI LAGULA XISAABTAMABA, WAXAANA AAD ISKU SOO TARAYA HADAL HAYNTA FALALKA FOOSHA XUN EE AY XILDHIBAANADU CAADAYSTEEN, WAXAANA MAANTA LAGA NECEBYAHAY MADAXDA KALE XILDHIBAANADA, KADIB MARKII SHACABKU OGAADEEN CILADA UGU WAYN MEESHA AY KA IMANAYSO IN AY TAHAY XILDHIBAANADA

Wakiilada Golaha Sharci dajinta haddii aynan waxka badallin sida ay hadda wax ku wadaan waxay noqonaysaa in iyaga iyo shacabka la kala illaasho oo markaas ay nabadgalyadoodu hallis gasho.

Wakiiladaan ayaa qaata Mushaar aad uga badan mushaarka dadka shaqaalaha ah ee Soomaaliya jooga, waxaana intaas u dheer iyagoon habayaraatee wax shaqo ah qaban.
Wakiiladan ayaa hadda waxay billaabeen in ay hirgaliyaan xeerar dad gooniya wataan oo ay lacago ka qaateen sida Xeerka saxaafadda ee DFS maanta ay Qolo inta waxkasooo badashay ay hadana lacago dul dhigeen xildhibaanada si ay ugu codeeyaan iyadoo u jeedkoodu ahaa in ay saxaafadda afka qabtaan si qolooyinka damjadiid ay danahooda guracan u dhamaystirtaan

Dhanka Puntland
Xildhibaanadan oo kitaab ku maray in ay dastuurka ku shaqaynayaan ayaa hadda ku shaqeeya lacago laaluusha oo ay qaataan oo kaliya

Bil matalan Puntland 17-kii sano ee ay jirtay hal xeer hay’adeed oo inta ay sameeyeen najaxay oo lagu doogsaday ma uu jiro.

Maanta Xildhibaan Dhooba daareed wuxuu Madaxwayne Gaas iyo Xildhibaanada hortooda uu ka qiray in ay Dawladdu la tartamaysay, taasoo ka dhigan iyadoo ay rumowday wararkii oranayay in uu Gaas habbeen hore 40 xildhibaan min 5000$ siiyay iyo in Gudoomiyaha Cusub uu ka tirsanyahay ururka Damjadiid.

Gaas marka waxaa ku dHACAYSA maahaahdii ahayd “Geela Halahiisii hashiisii durdurisay aarankii maxaad mooddaa” hadiiba wadankaan uu Madaxwaynahoodii la shaqaysanayo kooxihii dalkaba iibsanayay ee Damuljadiid, isla markaana isagii prof-ka ahaa uu shandada laaluusha xildhibaanadii u qaybinayo, hadde maxaad shacabkii masaakiinta ahaa ka filaysaa.

Maxaase laga sugayaa oo nidaama oo dalkaan ka hirgalaya.

Waxaase ugu daran ee maanta laga naxo, ninka dhalinyaradaa ee mutacalimkaa ee waxwalba helikara, ee haysta umad dhan oo ku daba fayshay, waxa ku khasbi kara, eex, musuqmaasuq, lashaqaysi khaa-inul wadan, u adeegid gacmo shisheeye.

RUNTII WAA WAX LAGA NAXO MAANTA OO SOOMAALI AY 40 SANO BURBURSANTAHAY, QOFKASTA OO DAMIIR LEH WAA KA XUMAANAYAA IN KUWII LA AAMINAY AY KHIYAANOOYINKAAS QARAN KU KACAAN.