CAMBAAREEYNTA WEERARKII MADAXTOOYADA IYO DAYACA AMAANKA

Filed under: Wararka |

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda
Codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo qiiradda dhabta
ah(Somalinimada leh)ku hadleeynaa waaanu si weyn u cambaareeyneeynaa
Weerarka cadoownimadda ku saleeysan,naceeybka iyo nabad-diidnimadda,
Nool-diidnimadda iyo dowlad iyo kala dameeyn diidka leh,ka duulaaya
Caqliyadda Xasuuqa,gumaadka,dilka,barakiciinta ummadda Somaaliyeed
wax laga faa’iidaayo la garaneeyn(Khasaare iyo dhiig daadiin keliya)
waana dhaqan ka reeban Shareecadda Islaamka.
http://youtu.be/wkALp4jy04Q
8_july_2014-300x194images (6)download (7)Xasan Sheekh Md
Urur ahaan waxaanu qireeynaa in weerarkaasu ahaa mid is-miidaamin
cadoownimo ah cidii ka dameeysay yihiin dembiilayaal,ma naxayaal
iyo kuwo naftooda halaagay(If iyo Aakhiiroba seegay)guulna kuma
dhalin doonaan dilka,qaraxa,is-miidaamiin iyo xasuuqidda ummadda
Somaaliyeed Muslinka ah(weliba Xiligan Bisha Barakeeysan Ramadaanka)
eey haboon tahay in camal wanaagsan,kheyr leh iyo samaan ka shaqeyn
iyo is-caawin,runtii waxaa xusid mudan in dhaliil culeeyskeeda leh
dusha looga tuuro Dowladda F.Somaliyeed hogaankeeda sarre,laamaha
Amaanka iyo Amison oo si weyn u dayacay xilkoodii dhanka amaanka ka
saarnaa,ka seexday gudashadda shaqadooda waana arrin ayaan daradeeda
leh,lana oran karaayo xilkasnimo darro,qorshe xumo,wada shaqeyn iyo
is-kaashi la’aan dhexdooda ah iyo ku mashquulidda howlo kale iyo dano
gaar ahaan(dhaliil iyo dhaleeceeyn weyn mudan)iyo helidda xaqiiqadda
jirta.
baarlamaanka
Urur ahaan waanu soo dhoweeynaa casilaada Madaxdii Ciidanka Boliiska
iyo Sirdoonka Somaaliyeed oo loo arkay ineey xilkoodii ka gaabiyeen
ama nabadgelyo xumadda soo badatay qiil looga dhigay casilaadoodda
inkastoo eey muujiyeen dadaal badan hadana xilku cid lama dhalan ee
waa mid wareegto ah,waxaa arrin shakigeeda weyn leh sida sahlan oo
Madatooyada gudaheeda weerarka loogu qaado,marka caqliga adeegsisado
waxaa si cad u soo baxaaya in qorshaha Weerarka dad gudaha Viladda
jooga(Shaqaalaha Sarre ka mid ah arrinta gacan ku leeyihiin)gelidda
iyo qorshe fulinta wax ka fududeeyeen,eeyna haboon tahay in arrinta
baaritaan rasmi ah lagu sameeyo(qof jecleysi iy xaqiiqo daboolid-ba
laheyn)sidoo kale waa in Xukuumadu xil weyn iska saartaa adkeeynta
iyo xasiloonidda Caasimadda Qaranka iyo nabadgelyadda Muwaadiniinta,
Weeraka madaxtooyadda,dilka Xldhibaanadda,Aqoonyahanka,Qarxiinta iyo
Is-miidaamiinta soo badaneeysa waa dhaliil iyo masuuliyad darro weyn
oo Madaxdda Sarre Qaranka iyo hey’adaha eey maamulaan masuuliyadeeda
tooska ah leeyihiin(fadeexad iyo ceeb joogto ah ama waji gabax-ba la
oran karaayo),balse muranka,khilaaf huriinta,qabyaalad buun-buuninta
iyo daawashadda colaadaha iyo dagaaladda sokeeye ahamiyadoodu tahay
taasoo micnaheedu tahay dayacidda iyo ka gaabinta gudashada xilkooda
Qaran(ayaan darro iyo sumcad dhab-ba ku keentay),Dadweynaha Caasimada
ku dhaqan(Degan)ayaa nabadgelyo xumidda iyo karti daridda dowladda
qeybtooda ku leh,lana oran karaayo waaba ka raali habkaas dibaatada,
Dayaca,Masuuliyada xumidda iyo soo dhoweeysidda kuwa cadoowga Ummadda
ah(Kooxaha dembiilayaasha ah,suurta galna eey tahay in gacan,taageero
iyo la shaqeyn-ba lala leeyahay)Ayaan Draro kale dheh.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimada Iyo Cadaaladda.
-Jully-09-2014.