ceelasha degmada jariiban oo xalada khatar ah wajahay

Filed under: Wararka |

abaarta ka jirta Deegaamada Degmada jariiban oo mar ba mar sii adkaanaysa,

ceelasha jariiban ee biyaha laga cabo waxay ahaayeen labo matoor iyo ceel gows,

ceelgows mar hore ayuu go’ay waxaa la saarnaa Matoorada ,hadda ceelka la yiraahdo siigo dheere waxaa jaaliyada degmada jariiban u soo gaday Bam, markii lagu xirayna wuuba ka sii daray,

Ceelkii kale ee matoor ka ahaa isagana wuxuu la daalaaa dhacayaa dad iyo duunyo wixii deegaanka oo dhan ahaa 24 saac ba wuu daaran yahay waa hal matoor oo waliba liita,

wuxuu lee yahay hal Haan oo meelo badan biyaha ka daadinaysa ayaaba hadda ugu daran ,booyaduhu waxay fayl ku jirayaan mudo 10 saac ah marka ugu dhaqso badan,

waxaa odayaasha iyo maamulkaba codsanayaan in ceelasha nala ka taageero, oo dad iyo xoolaba khatar ku jiraan,

waa in Haan iyo matooraba la helaa,waxaa biyaha looga dhaamiyaa baadiyaha jariiban,Mayle,BOOC,Shilimxaraare,Shakaal,Quurile,Dulweyne,Labilamane Iyo Dhoobocantuug waa magaalooyinka waa weyn ,intaas waxaa biyo u ah halkaa matoor oo waliba halkaa haan ah ,