Ceelka-geeye waa “Gabay kusocda isbadalkii Puntland ka dhacay” (Shirwanaaje 10.01.2014)

Filed under: Wararka |

gabay

Ceelka-geeye

Nimanyahow Ca’dii gabay beryahan, waanigaan celine
Calooshayda waataan ka jaray, cayn kastooy tahaye
Caweeyskii ma jiifsado hurdada, saan caraysnahaye
Cuntadii la cunayiyo anfaco, wayska celiyaaye
Caatoobay jeer hore haddaan, camanno buuraaye
Culays baa i saarraa baqdini, camal jin weeyaane.

Caamuqa Ilaah baa baxshoo, caymo ii furaye
Ciddii Reer Puntland iyo tolkay, caafimaad hela’e
Caqligiyo wanaaggaa tashay iyo, caaqilladoodiye
Caadi bay doorashadi u dhacdoo, codkii loo ridaye
Ku hungow cadowgii jeclaa, inay colloobaane
Inaan curiyo maansadu hadday, caadi ii tahaye.

Imminkaan sidii Cali Dhuux, soo cartamayaaye
Sidii Cali Afyaroo kalaan, cir-ka-yeer ahaye
Cigaalki Khaliif iyo Muusaa, ii cimaamadane
Kol haddii aan cabbaysto murtida, layma caal helo’e.

Haddii cududdo-weynow libaax, cidla ku soo daahay
Oon caynta xoolaad beryahan, ciddida neef saarin
Uu geel caraabo ah arkoo, kaga cabaadsiiyo
Caddiinta iyo jiirka iyo markuu, cadka kurus laaco
Waxay caadadii tahay inuu, camal hinraagaaye.

Nin hadduu cod maansiyo yaqaan, cilmiga suugaanta
Cidla kama abaabulo waran, cidi ka yeelayne
Halka ay murtidu caarantahay waa, inu caddeeyaaye.

Soomaali colaad iyo markay, ceebi kala gaadhay
Markay nabadi ceel dheer gashay, ee cilladi fuushay
Calan iyo markii dawladnimo, caam ah laga quustay
Cimrigood ha raagee raggaan, Ilaah cadaab siinin
Caqligii Puntland noo fekerey, caymiye reerkiiye.

Meel haddii caddaalad iyo wanaag, cagaha loo saaro Carruurtiyo haweenkaa ku kora, caaqibada guude
Cadkaa aannu saluugnay baa, nalagu cawryaaye
Niman baa martida ceejiyoo, caadiyoo qorane
Caasumaddii koowaad ogow, laga soo cararye
Caasumaddii labaad bal eeg, looma ciirsado’e
Puntland buu nafluhu cawsadaa, kuna caweeyaaye
Cagaaggiyo kulaylkaa ka hara, ciddi timaaddaaye
Markaasuu casabadii dambiyo, ciyaalki doontaaye.

Waxba yaanan canaan iyo ammaan, cirka soo marine
Caddaan iyo madow waa ogyahay, caynka aan nahaye
Carqalad kugu timaaddiyo cilladdu, waa iska buuxaane
Cadow iyo iblays waa kuwii, iska kaa un cuna’e
Cido nala dhashay baa jiroo, ciriq baas qaba’e
Kuwo nala caweeysimahayoo, noo colaa jira’e
Waxaan calafka siinnaa kuwii, cunay dadkeenniiye.

Caqli xooggan bay kaga gudbaan, caynti timaadda’e
Cabdiwali aday kuu cubteen, caawa hoggaankuye
Cabdiraxmaan Faroole iyo raggii, Cadde Inow Muuse
Cabdullaahi Yeey waa tii, ay gu’ u curiyeene
Cagaarka iyo dooggii waatii, caadi loo cunaye
Adna ceelka-geeye u noqo, caano lagu maalay.

Shirwanaaje
10.01.2014

One Response to Ceelka-geeye waa “Gabay kusocda isbadalkii Puntland ka dhacay” (Shirwanaaje 10.01.2014)