CIIDAMADA BOLISKA MAGAALADA GALKACYO OO WADA HOWGAL AMAANKA LAGU XAQIIJINAYO

Filed under: Wararka |

Taliyaha saldhiga bartamaha magaalada gaalkacyo Axmed Maxamed Afrax( Taraafiko) ayaa waxaa uu sheegey inay laba kamida dhalinyarada moobilada furta xiliga habaynkii ah magaalada Gaalkacyo ay maxkamada horgeeyeen iyagoo kusoo qabtay mobilo ay furteen.
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegey inay suuqa galiyeen dad dharcad ah kuwaasi oo soo qabanaya dhalinta mobilada furta dhalinyaradan maxkamada la horgeeyayna ay sheegeen qaar kamida kuwa mobilada la furta ayna ciidanku deg deg uso qabanayaan.
Waxaa uu cadeeyay in ciidamada amaanka aysan qaadan lacagta laaluushaa shacabkii laga qaatana ay soo gudbiyaan askariga ka qaata islamarkaana ay talaabo ka qaadayaan waxaana uu waalidinta ugu baaqay inay cauurtooda ilaashadaan.
Digniin ayaa uu direy kuwa ku howlan inay bulshada dhibaateeyaan wuxuuna ugu baaqay inay ka waantoobaan falkaan ay ku howlan yihiin hadii kale ay ciidamadu soo qabanayaan detana loogudbin doono Maxkadama sharcigana lagu qaadayo.
Ciidamada booliska ayaa uu sheegey inay u shaqaynayaan danta guud shacabkana ay u adeegayaan mar waliba ay heegan uyihiin inay ka hortagaan kuwa cadowga ku ah amaanka iyo hormarka bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.
Dadka shacabkaa ayaa waxaa uu ka codsaday inay la shaqeeyaan laama amaanka si loo sugo guud ahaan amaanka waxaa uu beeniyay inay jiraan ciidamo laaluush qaata isagoo sheegey in ay soo gudbiyaan cida lacag widisa balse shacabku ay danta guud ka shaqeeyaan.