Ciidamada Maraykan Nisa, Danab, Pista Puntland Oo Wata 30 Tikniko ah Oo Hobyo Gaaray

Filed under: Wararka |

kadib markii Saacadihii u danbeeyay ciidan ka tirsan kuwa Nisa Galmudug oo la socdaan Ciidamo cadaan ah ay gaareen Magaalada Hobyo Ayaa warbaahinta Mudug24 waxa ay bilowday Xaqiijinta Warkaasi ku aadan in ciidamadaasi ay halkaasi joogaan,

Xiriiro aan la sameenay Maamulkada Degmada Hobyo ayay ku xaqiijiyiin in ciidan ka Tirsan kuwa Nisa Galmudug ay ku suganyihiin Deegaanka Camaara.
Sidoo kale Ciidan ka Tirsan Mareykanka oo wata Gawaarida aan xabada karin ayaa la socda labada Ciidan ee Galmudug iyo kuwa Danab ee Dowlada Somaliya,

Warar kale oo Warbaahinta Mudug24 heleyso ayaa sheegaya in ay dhici karto in Ciidan ka Tirsan kuwa Danab ee Dowlada Somalia oo dheeraad ah ay ku biiraan

Maxay tahay ula jeedka Ciidankaasi loo geeyay Halkaasi,

Ciidanka tirada Badan ee Halkaasi jooga Ayaa la qorsheenayaa in ay Dagaal ku qaadaan Magaalada Xarardheere oo mudo dheer heestaan kooxda Shabaab,

Wariye Siraaji yuusuf Sugaal oo la xiriiray Maayarka Hobyo ayaa ka xaqiijiyay ciidanka Halkaasi ku sugan isla markana la qorsheenayo in ay duulaan ku qaadan Magaalada Xarardheere,

Dhanka kale Ciidamada qeyb kamid ah Ayaa ku sugan Deegaanka Camaara Halkaasi oo dhawaan laga Saaray kooxda Shabaab,
Wixii ku soo kordha Xaqiiqda Warkaasi lasoco

Warkan 40 daqiiqo kadib ayaa dib loo tafaftiray

One Response to Ciidamada Maraykan Nisa, Danab, Pista Puntland Oo Wata 30 Tikniko ah Oo Hobyo Gaaray

  1. Pingback: Ciidamada Maraykan Nisa, Danab, Pista Puntland Oo Wata 30 Tikniko ah Oo Hobyo Gaaray - Daily Somalia Report