Ciidankii Bariga Gaalkacyo Lagu Weeraray Alshabaab Ma Ku Jireen (Qormo Koobban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Sirdoonka Ps-ta Puntland iyo sirdoonka Maraykanka ayaa weerar cirka iyo dhulka ku qaaday xarun ciidan oo ku tiilay koonfur bari Gaalkacyo meel qiyaastii illaa 30 km u jirta Gaalkacyo oo la yiraahdo jeexdin oo dhul baadiye ah.

Hadaba ciidamada Ps-ta ee Puntland iyo Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegay in ay weereen maleeshiyaad Alshabaab oo markaas damacsanaa in ay soo weeraraan saldhigyo Gaalkacyo ku yaal.

Waxaana weerarkaas ku dhintay qiyaastaa illaa 22 kamida ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray.

Galmudug oo aan kala harrin ayaa ku dooday in aynan ciidamdaasi ku jirrin wax alshabaaba balse ay ahaayeen ciidankii Galmudug oo halkaas saldhig ka samaystay.

Hadaba haddii ay Galmudug daacad ka tahay in ay hubbaan in ciidamada la weeraray aynan wax alshabaaba ku jirin maxay usoo bandhigi waayeen wajiyada askartii ku geeriyooday weerarkaa diyaaradaha daronsku beegsadeen.

Waayo Soomaalidu waa in istaqaan waxaana si fudud ku kala cadaan lahaa wararka shacabka lagu marrin habaabinayo oo labada doodood mid baa run noqonlahayd, laakiin hadal afka ruux ka yiri oo aan cadayn wadan waa adagtahay in la aamino.

Dhanka kale.
Ciidamada PS-ta ayaa waxaa la aasaasay xiligii xukuumaddii Cabdullaahi yusuf, waxaana mushaarkooda iyo kharashaadkoodaba bixisa dawladda maraykanka, waana ciidan ka tayo fiican ciidamada kale ee Soomaaliya ka hawlgala, waxaana ciidankan lowgu magac daraa ciidanka argagaxiso la dirirka.

Ciidamada PS-ta ayaa xarumo ku leh, Muqdisho, Garoowe, iyo Hargaysa, waxaana dhammaantood ay xaruntooda ugu wayn ku taalaa Jabuuti, iyadoo dhammaan kharashaadka ay ku hawlgallaan ay dhiibto dawladda Maraykanka.

Ciidamada Ps-ta ee joogga Soomaaliya gabi ahaan ayaa si hoose isaga warhaya, waxaana jira unugyo qaab sirdoon uga howlgala Galmudug oo ka tirsan Ps-ta.

Dad badan baa aaminsan in aynan ciidamada Maraykanku marna ku dagdageen in ay diyaarado ku weeraraan goob aynan ku sugnayn rag ay ku dabajoogeen in muddo ah oo ay aad uga warhayaan.

Waxaana loo badinayaa in ay ku jireen rag alshabaaba ciidamadii la weeraray maalintii shalay.

Haddiise ay Galmudug is hubto waxay ahayd in ay isla shalayba saxaafadda usoo ban dhigaan raggii dagaalka ku dhintay si loo aqoonsado wajiyadooda oo ay shacabku u kala saaraan in ay Alshabaab ahaayeen iyo in kale.

One Response to Ciidankii Bariga Gaalkacyo Lagu Weeraray Alshabaab Ma Ku Jireen (Qormo Koobban)

  1. Pingback: Ciidankii Bariga Gaalkacyo Lagu Weeraray Alshabaab Ma Ku Jireen (Qormo Koobban) - Daily Somalia Report