Cismaan dheere oo lasheegay in uu ugu cad cadyahay Musharaxiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Doorashadii Madaxwaynaha dib loo dhigay illaa 13.06.2013

Filed under: Wararka |

cusmaandheere (1)
Waxaa baryahanba socday tartanka Madaxwaynimadda maamulka Ximan iyo Xeeb oo la rajaynayay in uu qaabsoomo maanta oo Isniin ah, hase yeeshee ay guddigga Dorooshooyinka Maamulku ay arimo Farsamo awgood dib ugu dhigeen maalinimadda Khamiista ee 13.06.2013.

Musharax Cismaan Maxamed Cali ( cismaandheere) oo kamid ahaa ragii wax ka aas aasay Maamulka Ximan iyo Xeeb isla markaana horey u ahaa Lataliyaha siyaasadda ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad oo loo badaniyo in uu ku guulaysto Hogaanka maamulka ximan iyo Xeeb.

Cismaan dheere ayaa horey wuxuu uga soo shaqayn jiray dawladii uu Madaxwaynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre asagoo kasoo qabtay jagooyin badan isla markaana soo noqday Gudoomiye Degmo iyo Agaasimeba.

Aqoonyahan Cismaan dheere ayaa 23-kii sano ee u danbeeyay wuxuu kamid ahaa qurbajoogta ku nool dalka Finland, wuxuuna kamid ahaa Soomaalidda farakutiriskaa ee Dalka Soomaaliya Mashaariicda horumarineed keenay, asagoo arimahaas kasoo dhameeyay dalka Finland.

Mashaariicda uu Cismaan dheere waxka hirgaliyay ayaa waxaa kamidda Mashruuc aad u qiima baddan oo hadda laga wado 6 Gobal oo soomaaliya ah, oo ay Cadaado kamid tahay, Mashruuca Saxansaxo ayaa ajeedkiisu yahay sidii loo joojinlahaa Saxaraha, loo abuuri lahaa dhir manfac leh oo ku bixi karta dhulka saxara xigeenkaa, iyo sidii loo beekhaaminlahaa Biyaha iyadoo la isticmaalayo qalab casriya sidda Drip irrigation.

Mashruuca saxansaho ayaa sidoo kalo ladoonayaa in shacabka Soomaaliddaa labaro sidii ay wax u wada qabsanlahaayeen oo ay isaga dhaafi lahaayeen Qabyaaladda iyadoo taa badalkeedda labarayo sidii ay wax u wada qabsanlahaayeen.

Sidoo kale ayuu Musharax Cismaan dheere wuxuu ka waday maamulka ximan iyo xeeb Mashruuc wax barasho ah oo lasoo bilaabay 2005, oo wax lagu barayao caruurta yar yar ee aynan waalidiintood u awoodin in ay ka dhiibaan lacagta iskuulka.

Musharax Cismaan dheere ayaa ah nin lagu yaqaan Ficilo fara badan oo laga dheehdaa sidda uu u jecelyahay in shacabka Ximan iyo xeeb ay horumar u gaaraan isla markaana Soomaalidda kalena ku daydaan qaabka ay maamulka ximan iyo xeeb horumarka u gaareen.

Cismaan dheere ayaa ah ruux aaminna oo aan aqoon laalaabka iyo wax isdaba marinta, isla markaana lagu yaqaanaa Hadalo cad cad oo meel lowgu hagaago leh.

Waxaan aan shaki ku jirin ay ay Guul wayn u noqon lahayd shacabka Maamulka ximan iyo xeeb hadii ay garaawsadaan in ay u doortaan hogaanka Madaxwaynahay.
Cismaan dheere ayaa xiriir wanaagsan laleh Dawladda Kumeel gaarkaa, iyo Madaxda dalka Finland oo ku garab istaagi doona sidii looga caawin lahaa arimo badan maamulka Ximan iyo xeeb.

Musharax Cismaan dheere ayaa illaahay kumanaystay astaan Madaxwayne nimo, iyo codkarnimo.

Puntlandobserver.com Desk top