Codsi Ku Socda Soomaalida Jecel In Sharcigu Shakhsiga Ka Sareeyo.

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

wacyigalin
Codsi Ku Socda Soomaalida Jecel In Sharcigu Shakhsiga Ka Sareeyo.

Warbaahinta Puntlandobserver waxay codsi u diraysaa Soomaalida doonaysa in Sharcigu shakhsiga ka sareeyo.
Si Soomaali loo mideeyo, waxaa Soomaalida midaynkara nidaam dawladeed oo cadaalad ku dhisan.
Si nidaam dawladeed ee cadaalad ku dhisan loo hello, waa in la illaashaa wixii Soomaalida ka dhaxeeyay ee la isku darsaday.
Si looga illaasho in qolo ku takri fasho wixii la isku darsaday oo shakhsiyaad ay ku amar ku taagleeyaan wixii soomaali ka dhexeeyay, waa in sharcigu shakhsiga ka sareeyo.

Hadaba si loo hello nidaam dawliya oo ku aslaynsan in sharcigu shakhsiga ka sareeyo, waa in la hellaa Soomaali farabadan oo fahansan qaabka loo hirgallinkaro nidaam uu sharcigu shakgsiga ka sareeyo.

Tusaale

Haddii aad timaado magaalo ama tuulo laga ciyaaro Basketboolka, oo dadka tuuladaas degan oo dhan ay yaqaanaan sida loo ciyaaro Baaskatboolka, balse adiga magaalada hadda yimid aad xiisayso kubadda cagta.

Haddii aad marka damacdo in aad qaban-qaabiso koox kula ciyaarta kubadda cagta way kugu adkaanaysaa in aad hesho koox kubadda cagta kula ciyaarta waayo magaalada waxaa laga xiiseeyaa Basketboolka, ama kubadda koloyga.

Si marka aad u hesho dad farabadan oo xiiseeya kubadda cagta, waa in aad waqti badan gallisaa oo dadka ka dhaadhisaa, faa-iidooyinka kubadda cagta, waa in aad kharashaad ku bixisaa oo xayaysiisaa, waa in aad raadisaa dad sidaada oo kale iyagu horay isugu dayay arrinkaas, dabadeedna markii aad muddo 3 sano ah arrinkaas wadid, dabcan waxaa magaaladii laga hellidoonaa 3 sano kadib dad badan oo xiiseeya kubadda cagta oo kula fahmaya waxa aad ka hadlayso ama xiisaynayso, markaas 3 sano kadib haddii uu magaalada yimaado ruux xiisaynaysa dad la ciyaara kubadda cagta, si fudud buu ku helayaa koox la ciyaarta kubaddii, laakiin ruuxas cusub ma ogaan karro juhdiga aad adigu usoo martay in aad xayaysiiso kubadda cagta.

Sidaas la ajligeed ayaan warbaahinta p/o waxaan ku baahinaynan warbixino ku aslaysan cadaaladda iyo saraynta sharciga muddo afara sano kabadan, waayo xilligaas isaga ah ayaan waxaan ogaanay in aynan Soomaalidu waxba ka aqoon nidaamyada loo maro in sharcigu shakgsiga ka sareeyo, laakiin waxay kusoo barbaareen nidaamkii Marxuum Kaligi Taliye Siyaad Barre oo aan shacabka la barrin nidaamka isla xisaabtanka..

Waana sababta ay warbaahinta Puntlandobserver waqtiga faraha badan u galliso arrinkaas isaga ah.
Hal ruux iyo laba ruux iyo 10 ruux kaliya wax ma qaban karaan ee waxaa loo baahanyahay kumanaan ruux oo si wada jira uga shaqeeya arrinkaa isaga ah.
Hadaba inta Soomaalidaa ee doonaysa in ay arkaan Soomaali oo midowday oo gacmaha isqabsatay, waxaa noo muuqata in si fudud loo gaari karro in Soomaalida la miyeeyo.

Hadaba fadlan walaalaha samaha iyo horumaraka Soomaalida jecel waxaan ka codsanaynaa in aad arrinkaas nagala shaqaysaan.

Fadlan nagala soo xiriir puntlandobserver@gmail.com
Ama si gaara Ibraahin Sh Maxamed gablax@yahoo.com oo u qaabilsan dhanka wacyigallinta barnaamijyada cadaalada iyo dimoqraadiyadda.

Wallaahay wabillaahay in aynan warbaahinta p/O hay’ad ama koox ama shakhsi toona ugu shaqayn ama wax ujeeda gooniya aynan ka lahayn, marka laga reebo sidii looga shaqayn lahaa midnimada iyo horumarka Soomaaliwayn

Akhri qayb ka mdia qormooyinka Saraynta sharciga

Halkaana ka akhri qayb kamida qormooyinka cadaaladda