CURASHADA CAWAALIHII LABAAD EE SOMALIYA‏

Filed under: Wararka |

Wadani Maxamed Cawaale Liibaan

abuukar cawaale
Dalkasta oo dunidan kamid ahi waxa uu leeyahay dad rag iyo dumarba leh oo wadaniyiin ah,kuwaasoo taariikhda dalkaa lagu xuso laguna xasuusto.Dalka soomaaliya wuuleeyahay taariikh facwayn iyo wiilal iyo gabdho usoo halgamay umada soomaaliyeed oo taariikhdu xusto sida caalamka kalaba.

Markaan arkay nin dhalinyaro ah oo soomaaliyeed oo u istaagay difaaca qaranka soomaaliyeed iyada oo qarnigan hada lagu jiro oo ah xili soomaali la tacaalayso dhibaatada dawlad la aaneed iyo shidada dagaalada sokeeye ee sii dabada dheeraaday. ayaan go aan saday in aan maqaalkan ka qoro,oo waxaan xasuustay halgankan Wadani Abuukar in uu xiriir la leeyahay halgankii Soomaaliyeed ee S.Y.L ee ahaa difaaca qaranka soomaaliyeed iyo helitaanka dawlad xor ah oo ka talisa aayaha soomaaliyeed,tanoo hormood keeda uu kamid ahaa Wadani Maxamed Cawaale Liibaan ilaahay ha u naxariistee. Maxamed cawaale halganka iyo hal abuurka iyo u dagaalankii dalkiisa oo xorooba kaliya ma ahayn waxaa lagu xasuustaa dacad nimadiisii, si gaar ahna alifida calan ku haboon dalkiisa lehna macno balaadhan oo ah in soomaalida 5 loo qaybiyay maalin maalmaha kamid ahna iyagoo xor ah ay isu iman doonaan tanoo ah fariin muwaadinka soomaaliyeed kusocota iyo dhaxal cad. gumaysigu waa isku dayay in uu hor istaago calanka soomaaliyeed laakiin wadaniyiintii soomaaliyeed oo isku duuban ayaa meel mariyay 12 oktoobar 1954.

Halganka dalkaaga oo loo halgamaa waa dhinacyo badan yahay,baahida oo lala dagaalaa waa halgan,cudurka oo lala dagaalaa waa halgan,dalka oo siyaasadiisa salka loo dhigaa oo la dajiyaa waa halgan,gumaysigoo ladiidaa waa halgan,jahliga oo lala dagaalamaa waa halgan,dalka oo la difaacaa waa halgan,dhaqankoo la ilaashadaa waa halgan,man dooriyaha bulshadaada baa bi inaya oo lala dagaalamaa waa halgan lama tirinkaro. sidaa daraadeed qofkastoo soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad wadaniyadeed iyo in uu u halgamo dalkiisa wixii uu qabankaro kolba.

Labada Cawaale wiilka iyo awoowgiiba waxay ka galeen baal dahab ah taariikhda dalkooda soomaaliya umada soomaaliyeedna waxay u haysaa xasuus iyo taariikh lagu faano ka soomaali ahaan.qofkasta oo soomaaliyeed waxbaa ilaahay siiyay firfircooni iyo karti dheeraad ah waana ugu hambalyaynaynaa qof walba waxa uu yahay ee ilaah siiyay iyo wax qabadkiisa. Abuukar Cawaalaha yar waxa uu u istaagay hawl aad u culus una dhibadan oo ah ladagaalanka maan dooriyaha qarniyaal la haray umada soomaaliyeed. waxaan ognahay in dunida horumartay ay ugabaxdo malaayiin doolaar ladagaalanka maan dooriyaha si bulshadooda ay uga ilaaliyaan markaa maha hawl sahlan.

Maan dooriyaha dadbaa ka faaiida dadna waa ku baa ba aan,dawladaa ku faa iida dawladana waa ku baa ba aan.dadka Eithiopia iyo Kenya shacabkoodu waa ka faa iidaa oo beerahay leeyihiin ka baxo maan dooriyaha loo yaqaan QAADKA oo markii labaaray laga helay halkii marduufba 6g oo ah noocyada kokeenta oo kabaxda laatiin Ameerika waa daroogo halis ah.dawlada labadaa dal waxa kasoo gala canshuur iyo malaayiin doolara qaadka loo iibgeeyo soomaaliya halka dawlada soomaaliya iyo shacabkeeduba ku khasaareen caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Abuukar dawlado ayaa miiska dooda la soo fariistay raba danahoodii dhaqaale sida KENYA oo wafti usoo dirsatay dalka Ingiriiska halkaasoo guushii ku raacday dood dheer kadib Wadani Abukar cawaale.Dadkii soomaaliyeed waxay dareemeen joojintii qaadka kadib hormar ah xaga qoyska iyadoo ay heleen waqti oo awal fadhi qaad kaga dhumijiray,Caafimaad waxay heleen hurdo iyo jirkii oo nastay,dhaqaale kharash ku bixi jiray jaadka oo hada ku baxa baahida saxda ah ama u kadsamay.caruur korsashada oo loo helay waqti iyo dhaqaale iyo caawin. Waxaa la ogaday durba in dhib cihii wax barasho ee caruurta soomaaliyeed ee yurub ku nool uu si xawli ah kor uugu kacay oo dugsiyadii sare wada galeen tanoo sabab ay u tahay waalidkii iyo caruurtii oo isu helay waqti shaydaankiina uu ka naaray CAWAALE YARE oo cayrsaday qaadkii kana saaray bulsho bi´iskaas meesha. cawaalahan labaad ee qarnigaan inoo kacay waxa uu soosaarayaa bulsho nool oo asaagood wax laqaybsata,waxa uuna dadkiisa soomaaliyeed ka bad baadiyay inay ubadkoodu galaan xabsiyada.ka dhacaan nolasha.waxba baran waayaan.qoysaska soomaaliyeed burburaan waxaas oo dhana waxaa sabab u ah qaadka.cawaale waxa uu wax taray qarankiisii maha shaqsi iyo qolo iyo urur gaara midna waa dantii guud ee umada soomaaliyeed.ragbadan oo dhalinyaro ahaa oo qaadku saameeyay noloshooda hada nin walbaa waa xoogsadaa oo asaagiis la socdaa oo shaqaystaa ama waxbartaa taasina waa mahad ilaahay iyo halganka walaalkeen cawaale ilaahay waa fajiyay.

Runtii ninkaa dhalin yarada ah ee soomaaliyeed waxa uu layimid hami iyo curis fikir cusub oo uu ka guul gaaray horaa loo yiri “dadaalaa waa gaaraa” waxaan u rajaynayaa guul halganka qofkasta oo soomaaliyeed uu lagarabtaagan yahay dadkiisa iyo dalkiisa waxaana ku faraxsanahay firfircoonida iyo hal abuurka dhalinyarada soomaaliyeed sida Muwaadin Abuukar cawaale oo aan ku naaneeyso cawaale yare ama cawaalihii labaad ee soomaaliya.

Gabo gabadii

Halkan sheeko gaaban yaan ku soo gaba gabaynayaa oon alifay ahna wax dhici kara iyo maah maah cusub

Waxa jiray laba nin oo daris ku ahaa xaafada shangaani ee Mogdisho.waa Xaaji Mocoow iyo Jaylaani labaduba waxay ahaayeen laba nin oo xaasleey ah kuna nool ganaacsi ay ku lahaayeen suuqii xamar weeyne.labaduba dhaqan uma ahayn mana aysan aqoon qayilaad iyo wax balwad ah toona. duruufaa yimid oo xamar waa laga qaxay 1991dii. xaji macoow caruurtiisii iyo xaaskiiba waxay galeen kenya waxaana loo qaaday America,halka jaylaani uu ku haray shangaani.xaji macow fiisaa loo soo dhigay kenya safarada maraykanka,intii uu jawaab sugayay xaji macoow waxa uu helay saaxiibo qayilaad u fadhiya waa 1995 halkaas buu xaajimacoow ku bartay QAAD oo fadhiistay isagoo gabay in xataa fiiso doonto!! biilka ilmaha usoo diraan wuu ku qayilaa meela uma dhaqaaqo wax kala mahayo aduun kama war hayo waa qayiliyaa oo kaliya. saaxiibkiis Jaylaani ayaa xalad caafimaad ugu xiran isbitaal ku yaal Nairobi,markuu dhawr sano joogaba marbuu yimaadaa waxa uu raadiyaa xaji macoow,waagii danbe waxa uu arkay xaji macoow oo ilka beelay caatoobay midabkiisii isbadalay wuuna ka naxay wuu waaniyay hayeeshee kama uusan yeeleen xajigu talada saaxiibkiis.marwalbana wuxuu ku yiraahdaa mar dhaw leen u duulaa ameerika ilmahaan soo fiirinaa dhul gaal marabo!!!

Jaylaani: Xaji macoow ii waran?
Xjimacow: Waa roonahay adinka maroontihiin?

jaylaani: Ilmihii kawaran?
xajimacoow:Hada leenba safarada usocdaa fiisada aan qadanaa waa shubaa yaah!(marduuf baa horyaal waana takhsin sanyahay) isagoo dhidsan indhuhuna fuul yihiin.
jaylaani: xaji fisada waxleed ii sheegtay 1995 tii in aad fiisada qaadanaysid see wax kaayihiin filim maa ii dhigee xataa anaa! waxan joognaa 2014 fiise oo lasoo diray oo 20 tan sano loo fadhiyo ma fahmin aniga?

xaji macoow: yaaqeey saaxiibkeey isdaji waa ilabooysaa qas aad igu haysaa wax leen kuu sheegay waa shubaa amerika ogoow hee bas,adiga shangaani wax leed uga timid miyaa in oo i luxdid ani?

Jaylaani: oo quustay ogaadayna in saaxiibkiis ka dhacay noloshii oo dhanba oo halis ku sugan yahay wax walbana uu ka doortay in uu qaad u fadhiyo uun ayaa yiri sidan.
Jaylani: xaji macoow saaxiibkay ani adi waa kaa samray ma isu jeedid maro camal aad u dhamaatay!!! wax leen ku leeyahay ILAAHAY CAWSKAAN AAS KUGU DILAA AMA CAWAALE AAS KUU SOO DIRAA!!

Yasin Ali Gass Helsinki Finland Nisay51@hotmail.com