Daawo Baarlamaanka Puntland Oo La Horkeenay Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2016

Filed under: Important News,Wararka |

Ku simaha Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdilaahi Shiikh Axmed ayaa maanta golaha Barlamanka u gudbiyey xisaab xirka miisaaniyadii 2015 iyo 2016 waxaana xisaab xirkan lagu xusay is dhin ku yimid odoroskii la filayey ee hore ay u ansixiyeen Barlamanku.

ku tala-galkii maliyedeed ee dakhligu wuxu ahaa janayo December 2016 $ 70,118,316.00,iyadoo dakhliga soo xaraadoy uu noqday sida u sheegay 60,349,545.87 iyadoona ay muuqato hoos dhac ku dhawan toban milyan doollar.

is dhinka dakhliga la filayey wuxuu ka yimid wasaaradda kallumaysiga, Isgaarsiinta, Canshuuraha gadiidka, dhoofinta xoolaha iyo lacago ay ka filayeen Bangiga aduunka oo qayb ka so gaartey.