Daawo: Dood ku saabsan doorka haweenka soomaaliyeed ku leeyihiin hogaanka dalka

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Barnaamijka Fagaaraha oo qabta doodo cilmiyeed ku saabsan arrimaha bulshada iyo siyaasada ayaa barnaamijkii udanbeeyay waxaa lagu falanqeeyay doorka hogaanka haweenka soomaaliyeed iyo sifooyinka laga rabo hogaanka dalka Soomaaliya oo ah mid mudo dheer bur bur iyo kala qeybsanaan kujiray. Doodaan xiisaha badan ayaa waxaa ka qeyb galay haween aqoonyahanno ah oo si hufan ufalaneeyay mowduuca.