Aqriso sida loo qeybsaday xildhibaanada Jubbaland

Filed under: Wararka |

Magaalada Kismaayo waxaa ka socda shirar isdaba joog ah oo ku aadan gudbinta magacyada magacyada xubnihii uga mid noqon lahaa baarlamaanka Jubaland.Beel kasta waxay hada ku mashquulsantahay xulista xubnihii uga mid noqon lahaa baarlamaanka Jubaland.Dhanaan Media waxay soo ogaatay inaysan waxba kajirin wararka sheegaya in Beelo isaga baxeen shirka ayna dhamaan beeluhu diyaar uyihiin inay gudbiyaan magacyada xubnihii uga mid noqon lahaa baarlamaanka Jubaland.Way jiraan beelo dhex doonaa ay jirto kala argati duwanaan ku saabsan tirada kaga soo aaday qaybsigii xildhibaanada Jubaland laakiin majirto hal beel oo gabi ahaanba diiday tiradii kaga soo aaday baarlamaanka Jubaland.

Shaxdii ugu dambaysay iyo qaabkii beeluhu uqaybsadeen xildhibaanada Jubaland hoos ka dheeho.

Magaca J/Hoose J/dhexe Gedo Total

Kuumade 13 7 1 21

Sade 1 0 17 18

Digil/Mirifle 0 5 4 9

Harti 3+1 0 0 4

Sheekhaal 2 1 0 3
Gaaljecel 2+1 0 0 3

Jareer 1 2 0 3

Baajuun 2 0 0 2

Ajuuraan 0 1 1 2

Dir 1 0 1 2

Cawrmale 1 0 0 1
…………………………………………………………………..
Tirada guud 68
…………………………………………………………………..

* Waxaa xusid mudan in sadax xubin oo xubnihii magacaabista ahaa ay tiradan kujiraan oo beelaha qaar la siiyay halka 7 xubnood aanan weli la qeybinin.

Waxaan tirada guud soo bandhigi doonaa marka madaxweynuhu uu qeybiyo 7 xubnood ee dhiman.

Xigasho: www.dhanaan.com