Daawo Warbixin Looga hadlayo Siyaasadda Itoobiya oo Aan Soomaalida Tiradaba lagu Darsan Iyo Shaki Amaa Soomaali Loo Dig-Iyo Damleeyahay (Qoraal Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

ethiopia ruling party

Dad badan baa aaminsan siyaasadaan waallan ee Itoobiya kasoo cusboonaatay in ay daarantahay sidii sifiican lowgu xalaalaysan lahaa deegaanada Soomaalida ee Itoobiya.

Waxaana isa sootaraya siyaasiyiin xagjira oo kuwa soomaalida neceb gaar ahaan kuwa neceb beesha Ugaadeen oo kasoo jeeda Oromo, Amxaara ito Tigree in siyaasadda Itoobiya lagu wareejiyo in ay hadda xaaladdu ku dhawdahay, waxaana laga baqayaa in ay gadaal ka fadhiyaan shaxda siyaasiyiin kuwa xagjirka ajaanibta oo adeegsada horgalada.

Waana shaki wayn in waxa loo dig iyo damleeyahay ay tahay in loo tashaday Soomaalidaan masaakiintaa ee baylahdaa.

Hadaba akhbaartan hoose si fiican u dhuux, waxaa meesha kaba maqan qowmiyaddii Soomaalida, oo iyaga taladaba laguma darsan.

Sawirka kore oo kamida warbixinta ayaa lagu sheegay kooxaha talada dalka Itoobiya qaybsanaya cidda ay ka koobanyihiin oo aynan Soomaalidu kuba jirrin, iyadoo ay Soomaalidu tahay Qawmiyadda labbaad ee ugu dhul ballaaran Itoobiya.