Daawo Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Oo Sharaxay Miisaaniyadda Deeqaha Bangiga Aduunka Dawlad Gobaleedyada Ugu Talagalay In Aynan Ahayn lacag Kasoo Xarootay Dekadda Muqdisho Oo Puntland La Siiyay (Daawo)

Filed under: Wararka |

Wasaaradda maaliyadda DFS ayaa soo bandhigtay miisaanadda 2017, hase yeeshee miisaaniyaddaas ayaa ka kooban mid kasoo xaroota gudaha sida Dekadda Muqdisho iyo Ayraboorka Muqdisho, iyo miisaaniyad ku wajahan odorash mashaariic ay caalamku Soomaaliya ugu deeqaan balse badidooda ka socda maamul Gobaleedyada.

Hadaba dfs ayaa soo bandhigtay miisaaniyaddii uu bangiga aduunku ugu talagalay shaqaalaha maamul Gobaleedyada mushaaraadkooda.
Waxaana ka mid ahaa cadada lacagaha mashaariicda maamul Gobaleedyada oo aan isku qiyaasnayn oo cadadda lacagta Puntland loo qorsheeyay ay ahayd illaa 4 million iyo bar, muqdisho 7 million, halka Hirshabeele 700 oo kun loo qorsheeyay.

Waxaana arrinkaas si qaldan u fasiray qolooyinka saxaafadda oo sheegay in lacagtii dekadda Muqdisho uu Farmaajo Puntland ugu deeqay, halka hirshabeele la qadiyay, waana opposit oo lacagta dekadda muqdisho kasoo xaroota Hirshabeele waxbaa laga siiyaa laakiin Puntland waxba lagama siiyo.

Hadaba hoos ka dhegeyso warbixinta.

3 Responses to Daawo Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Oo Sharaxay Miisaaniyadda Deeqaha Bangiga Aduunka Dawlad Gobaleedyada Ugu Talagalay In Aynan Ahayn lacag Kasoo Xarootay Dekadda Muqdisho Oo Puntland La Siiyay (Daawo)