Dad shacab ah oo lagu laayay bariga gobolka mudug

Filed under: Wararka |

Wararka ka imaanaya baadiyaha fog ee degmada jariiban  ayaa sheegaya in Koox Maleeshiyo ah ay Xalay Weerareen meel u dhow Degaanka Qeydaro ee Bariga Gobolka Mudug.

Illaa Shan Qof oo ciyaal iyo hooyadood ah ayaa lagu dilay,iyo gabarna waa dhaawac, qoyskaan ayaa ka soo guuray baadiyaha  buq qalooc iyaga oo u soo hayaamaya roob halkaas ka da’ay,

waxaana weerarkaa gaystay meeleshiyo beeled ka soo jeeda Galmudug,

Dhulka Miyiga ah ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhaca Dilal ku saleysan Aano Qabiil oo ay geystaan Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.