Dagaalka Gaalkacyo Warbixin Kooban

Filed under: Wararka |

Dagaalkii Gaalkacyo ka socday ayaa hadda xooggaa qaboobay.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay dagaalkii saakay ay ku qabsadeen laba gaari oo kuwa dagaalka ah oo Galmudug laga lahaa, waxay kaloo sheegeen in saaka Galmudug dagaalka looga awood roonaday oo fariisimo lagala wareegay.

Dhanka kalena dagaalka saaka ayaa magaalada qudheeda ka dhacay iyadoo xaafadda garsoor ay kusoo dhaceen madaafiic laga soo tuuray qoriga hoobiyaha kuwaasoo shacabkii deegaanka waxyeeleeyay.

Dhaawac farabadan iyo dhimashaba waa ay ka dhalatay dagaalka inkastoo aan tirada dhabtaa lahayyn hadana dagaalkii saaka ayaa khasaare xoogleh gaystay.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in aynan doonayn in ay xoog kula wareegaan deegaanada Galmudug balse kaliya doonaya in ay tusaan awoodda maleeshiyaadka Galmudug ee maalinkasta xabadaha soo tuuraya

3 Responses to Dagaalka Gaalkacyo Warbixin Kooban

  1. Pingback: Dagaalka Gaalkacyo Warbixin Kooban - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Skrota bilen Göteborg

  3. Pingback: Skrota bilen Göteborg