Dagaalka Syria iyo Fikradaha kala dawan Aflaam mihim ah Daawo

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Dagaalka Syria ayaa siyaasiyiintu siyaabo kala duwan u falanqaynayaan.

Ruushka ayaa la sheegayaa in ay Laba arimood ugu waynyihiin sababta uu Asad ula saftay
1) Ruushka oo ka baqanaya hadii ay ururada xagjirkaa sii xoogaystaan in aakhirka gurigiisa lagu soo garaacayo, markaas uu u arko in uu hadda ka sii hortago.
2) dhanka dhaqaalaha, oo markaas raga siyaasadda falanqeeya ay leeyihiin, Ruushka ayaa hal dhagax dhowr Shimbirood ku dilaya, oo dagaalkan hadduu galo waxaa laga yaabaa in qiimaha saliidda aduunka uu kor u kaco, markaasna ay ruushka dani ugu jirto maadaama ay 70% miisaaniyadda wadanka ay ku xirantahay Saliidda iyo Gaaska, dhanka kalena Ruushku wuxuu Awood ku yeelanayaa wadamada bariga dhexe si uu markaas uga mid noqdo wadamada qiimaha saliidda waxka kontaroola
Dhanka kalena Ruushku wuxuu isku halaynayaa wadamada China iyo Iran.

Dhanka siyaasiyiinta qaar ayaa u arka in uu Ruushku khatar kujiraa, maadaama sidii hadda ka hor dagaalkii Afghanistan iyo Ruushka ay markaa xulafada Maraykanku si fudud u siin karaan Daacish hubka fudud ee Diyaaradaha iyo Taangiyada lagu burbursho, iyo Miinooyinka Taangiyada dhulka lowgu aaso oo markaas aakhirka ay ku adkaanayso in uu Ruushku wax guula ka gaaro dagaalkan marka laga reebo dhaqaalo fara badan oo kaga burbura.

Ugu dambaynta Qolooyin ayaa qaba in Syria iyo Ciraaq sida Soomaaliya loo sameeyo Dawlad Federaal ah oo markaas intii isku mabda ahba ay hal ismaamul samaysanyaan.

Waana halka ay ku danbayndoonto maadaama uu dagaal sokeeye xumi uu dhexmaray Syria

Hoos ka daawo doodo iyo Aflamaan arinkaas lagu falanqaynayo.