Dagaalkii saaka siduu u dhacay

Filed under: Wararka |

Maleeshiyaadka Galmudug waxaa kujira qaar badan oo saraha Xamar ku dagaalami jiray waxayna saaka Khidad la ciyaareen ciidamadii kasoo horjeeday ee Puntland oo u badnaa Maleeshiyaad qabiil.

Waxay kuwa Galmudug isku qaybiyeen laba qaybood Qayb Guryaha kusii dhuunta iyo Qayb iska dhigaya ciidamada kaliya ee la dagaalamaya kuwa Puntland, kadibna markii ay xabado isku rideen kuwa Puntland ayay iska dhigeen in laga adkaaday kuwii Galmudug oo baqo been carareen, waxaana kadaba cararay kuwii Puntland.

Markkaas kadib ayaa kuwii Puntland dhabarka waxaa kasoo weeraray kuwa Galmudug oo guryaha kusii dhuuntay, waxaana gaaray maleeshiyaadkii Puntland Khasaare aan saas u waynayn iyo dhimasho, waxaana maleeshiyaadkii Galmudug ay hadana galeen koonfurta Xaafadda Garsoor, waxayna sixun u bililiqaysteen Hoteelo ay leeyihiin beesha Leelkase.

Si kastaba ha ahaatee waxaan awal dagaalka ku jirin Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Markii danbe dagaalka galay.

Illaahow kala qabooji
Puntlandobserver Desk