Dallada Puntland ee Finland oo Ka Qeybgalaya Shir Looga Hadlayo Dhibaatada Tahriibka?

Filed under: Wararka |

Vilnius: Ururada qurba-joogta Afrika ayaa la isagu yeeray magaalada Vilnius ee waddanka Lithuania,kuwaaso ka doodaya sida loo yareen karo dhibaatada dhallinyarada kumanaanka gaaraysa ee sanad walba safarka dhibka badan u soo maraya Yurub. Dallada ay ku midooben ururada qurba-joogta Puntland ee dalka Finland ayaa waxaa shirka kaga qayb-galaya 4 xubnood oo uu hogaaminaayo xoghayaha dallada Hanad Boqor C/laahi (King Kong).

Shirkan waxaa kaloo lugu casumay qurbajoogta Yurub kuwooda ugu firfircoon, sida Jaaliyada Soomaalida ee Finland, Jaaliyada Jibuuti ee Sweden, Jaaliyada Cope Verde ee Portugal, Jaaliyada Afrikada Galbeed ee Spain, Jaaliyada Soomaalida ee Ireland, iyo Lithuania oo ah wadanka Yurub u qaabilsan arrimaha dhallinyarada iyo qaxootiga ee sanadka 2015.

“Shirkan waxuu la xiriira sida ay qurba-joogta Afrika ugu doodi lahayd yareenynta dhallinyarada dhibaatada la kulmaysa ee Yurub u soo tahriibaysa,inta badan jaaliyadaha Afrika kuwaado ugu fir fircoon xubno ka socday ayaa shirka ka qayb-galaya” Yasin Ali Gaas oo kamid ah xubnaha DUPF ee shirka ka qeybgalaya.

Tababarro la xiriira iyo wacyi-galin ku aadan dhibaatada tahriibta ayey Dalada qurba joogta puntland ee Finland kaga qeybgelaya shirka Maanta ka furmi doona caasimada Vilnius ee dalka Lithuania waxaana ka qayb-galaya xubnaha ka socda qurba-joogta Afrika ee ku nool qaaradda Yurub.

Sidoo kale,Dalada Qurbajoogta Puntland ee Finland ayaa dadaal dheer ugu jira sidii loo baajin laha dhallinyarada Soomaaliyeed ee u soo sarfaysa Yurub,maadaama ay dhibaatooyin badan ka horayso soo gaarida waddamada Yurub.

Sanad walba waxaa gaara qaaradda Yurub boqollaal dhallinyaro Soomaali, Afrikaan iyo Carab ah,iyagoo dhibaatooyin badan la kulma inta aysan gaarin halka ay ku socdaan,halka kuwa kalana ayba ku dhintaan safarka.

Shirkan ayaa socon doona 4.5-9.5.2015.

11188186_880128708699896_1400905286580380645_n

11188239_880128118699955_7566233859272533147_n

11188351_880128252033275_3530113705758989429_n

11219077_880128838699883_1538387605613732099_n