Dallada Qurbajoogta Finland oo hambalyo udirtay gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari

Filed under: Wararka |

Dallada ururrada Puntland ee Finland (DUPF) ayaa hambalyo udirtay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhado oo asbuucii hore xilka kala wareegay gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan.

“Waxaan uhambalyeyneynaa gudoomiyaha cusub xilka culus ee loo magacaabay, waxaan urajeyneynaa inuu xilkaas Ilaahay la garab galo oo si xilkasnimo iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay uu uguto. Dallada Puntland ee Finland waxey diyaar u tahay inay garab iyo taageero ku siiso gudoomiyaha, wixii horumar ah oo ay awoodona gaarsiiso gobolka” sidaas waxaa yiri gudoomiyaha dallada ururrada Puntland ee Finland C/qani Axmed Ducaale.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari ayaa kal hore usoo qabtay isla xilkaas, waxaana la filayaa inuu markale dardar galiyo maamulka iyo horumarka gobolka Bari oo ah halbowlaha wax soosaarka iyo ganacsiga Dowlada Puntland ee Soomaaliya.