Dallada qurbajoogta Puntland ee Finland oo hambalyo udirtay agaasimaha guud ee Qurbajoogta Puntland

Filed under: Wararka |

Dallada ururrada Puntland ee Finland (DUPF) ayaa soo dhaweysay agaasimaha guud ee qurbajoogta Puntland Omar Shire Mohamed oo ay dhawaan xilkaas umagacawday xukuumada Puntlad si loo adkeeyo isku xirka Qurbajoogta reer Puntland, sidoo kale sidii loo horumarin lahaa kaalinta Qurbajoogta iyo sidey uga qeybqaadan lahaayeen horumarka iyo dib udhiska deegaanka Puntland.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. C/weli Maxamed Calli Gaas ayaa hore ubalanqaaday inuu soo magacaabayo agaasimaha guud ee qurbajoogta reer Puntland si loo xoojiyo wadashaqeynta dowlada iyo
qurbajoogta, islamarkaasna laga saacido qurbajoogta sidey mashaariic iyo maalgashi ugu sameyn lahaayeen
dalkooda hooyo.

Gudoomiyaha dallada qurbajoogta ee dalka Finland C/qani Axmed Ducaale ayaa hambalyo iyo casumaad
ufidiyay agaasimaha guud ee qurbaajoogta Puntland Omar SHire Mohamed.

“Waxaan uhambalyeynayaa agaasimaha guud ee qurbajoogta Puntland Omar SHire Mohamed anigoo ku hadlaya
magaca dallada qurbajoogta Puntland ee Finland, waxaan diyaar u nahay innaanu la shaqeyno oo casumaad
ufidino agaasimaha, si loo xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaqabsiga jaaliyadaha Puntland ee dibedda iyo gudaha”.

Dalada ururrada Puntland ee Finland ayaa qorsheynaysa inay qabato shir ballaaran oo kulminaya qurbajoogta Puntland ee Yurub, shirkaas oo ka dhici doono magaalada Helsinki ayaa lagu casumay agaasimaha guud ee qurbajoogta Puntland iyo aqoonyahano kala duwan oo katirsan qurbajoogta reer Puntland.

Agaasimaha guud ee qurbajoogta ayaa ah nin qibrad iyo aqoon uleh baahida qurbajoogta uqabaan dalkooda
iyo sidoo kale baahida kajirta gudaha dalka, maadaama uu isagaba mudo dheer ahaan jiray qurbajoog.