Dallada ururrada Puntland ee Finland oo arrima badan oo hormarin kaga dooday shirkooda billaha ahaa

Filed under: Wararka |

Dallada ururrada Puntland ee wadanka Finland ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 31/5/2015 iskugu yimid shirkoodii billaha ahaa Waxaana shirkaas lagu qabtay Hoteelka weyn SCANDIC ee bartamaha Helsinki shirkaasoo lagaga wada arinsaday wixii Jaaliyada u qabsoomay mudadii lasoo dhaafay. Shirka waxaa furay Gudoomiyaha dallada Qurba-joogta Puntland ee Finland (DUPF) Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa ajendaha shirka lawadaagay xubnihii shirka kasoo qaybgalay kuna booriyey isku duubnaan iyo waxqabad dhab ah. Gudoomiyaha ayaa soo bandhigay qorshaha sanadka 2016ka .Cabdiqani ayaa si dhab ah ula xisaabtamay xubnaha dallada midawga ururrada Puntland ee Finland isagoo talo iyo tusaaleynba siiyey.

Shirkan ayaa lagu qaadaa dhigay hawlihii Jaaliyada uqabsoomay taasoo ay kamid ahaayeen arimaha abaabulka bulshada iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Jaaliyada iyo shacabka Puntland. Dhanka kale waxaa diirada lasaaray dardar galinta iyo kor uqaadista waxqabadka xubnaha Jaaliyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta kaga aadan sidii qurba-joogta u maalgashan Lahaayeen dhulkoodii.

Waxaa madasha shirka laga soo jeediyay afkaar iyo talooyin dhaxal gal ah oo u horseedi karta ka midho dhalinta hirgalinta qorshe yaasha udajisan Jaaliyada. Maamulka iyo hawlwadeenada kala duwan ee Jaaliyada Puntland ee wadanka Finland ayaa muujiyay furfurnaan iyo waliba ineey ku talaabsato tub qeexan oo lagu horumarin karo hawlaha waxqabadka . Waxay dhamaan xubnihii shirkan kasoo qaybgalay hoosta ka xariiqeen xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga kadhexeeya Jaaliyada iyo jaaliyadaha kale ee qurbajoogta Puntland.

Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Cabdifatax Jaamac Janagale ayaa soo bandhigay waxqabadka jaaliyada iyo xafiis weyn oo jaaliyada ay yeeleneyso iyo xiliga la furayo sidoo kale wakiilka ayaa ka hadlay sidii loo mideyn lahaa qurba-joogta reer Puntland ee Yurub oo meel fiican mareysa wuxuu kaloo wakiilku ka warbixiyey safarkii uu ku tagay wadanka IRELAND .

Xog hayaha jaaliayada Hanad Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse (King Kong) ayaa isna ka hadlay dhaqaalaha ururka soo galay iyo howshii konteenarka dhawaan la geyn doono puntland dhowaan iyo dhaqaalaha ku baxaya .

Xubnihii shirka kasoo qaybgalay oo meelo kala duwan kasoo yimid ayaa muujiyay ururnimo, iskaashi iyo niyad samaan aad u qiima badan. kulankan ayaa kusoo dhamaaday guul iyo isfahan guud taasoo u horseeday in laga sal gaadho dhamaan ajendeyaashii kulankan loosoo agaasimay.

Furitaanka xafiiska dallada ururrada Puntland ee Finland ayaa waxaa furitaanka kasoo qeybgali doona jaaliyada Puntland ee Swedan,Jaaliyada Puntland ee Norwey,Jaaliyada Puntland ee Denmark,jaaliyada Puntland ee Holand,Jaaliyada Puntland ee Uk,Jaaliyada Puntland Ireland iyo jaaliyada Puntland Biljimka.

10462842_10204663563765575_6495568800477994156_n

11391090_10204663242717549_7526191385171794190_n

11351215_10204663246997656_7658507256688140723_n

11295803_10204663242517544_6279805484212917223_n

11150774_10204663243037557_8349563089849831660_n

1525527_10204663243077558_1769042222203915879_n

1466028_10204663563885578_3228372835172807209_n