Dallada ururrada Puntland oo casho sharaf usameysay Dr. Maxamuud Dahir Afqarshe

Filed under: Wararka |

Xaflad Soo dhawayn iyo cashasharaf loo sameeyay Dr.Maxamuud Daahir Afqarshe oo ka yimid Dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minnesota oo ay Soomaalidu kubadan yihiin kuna haysta halkaasi isbitaal gaar loo lee yahay haatana isaga iyo dhaqaatiir badan oo Soomaaliyeed ay doonayaan in ay ka furaan isbitaal wayn oo casri ah magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Putland oo la rajaynayo in laga helo dhamaan adeegyadii caafimaad isbitaalka oo ay ka hawlgali doonaan dhaqaatiir ku taqasustay ilaa 30 xanuun oo kala duwan. Dhaqtarka ayaa casuumaad ka helay gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta soomaaliyeed ee Finland Dr Maxamuud Maxamed Cartan.

Caawa waxaa xaflad Casho sharaf soo qaban qaabiyay Midowga Dalada Jaaliyada Putland oo ay hogaaminaysay Casho sharaftaas gudoomiyaha haweenka ee dallada ururrada Puntland ee Finland Marwo Nasro Jaamac Deeble, wakiilka dawlada Putland dalka Finland Cabdifataax Jaamac Janagale iyo gudoomiyaha dallada Putland Cabdiqani Axmed Ducaale waxaana casha sharaftaan ay ka dhacday Hotelka Hilton ee ku yaala Caasimada wadanka Finland ee Helsinki.

Jaaliyada Puntland ee dalka Finland iyo dallada ururrada Puntland ayaa soo dhaweeyay howsha uu wado Dr. Maxamuud Daahir Afqarshe, iyagoo sheegay in wixii karaankooda ay ku taageeri doonaan mashruucaan uu wado Dictorka, waxey kaloo dallada dhawaan gaarsiin doontaa deegaanaada Puntland konteenar isugu jira qalabka caafimaadka.

Dhaqtarka ayaa aad ugu mahadceliyay dhamaan gabdhaha iyo odayaasha jaaliyada ee soo qaban qaabiyay casho sharafta, wuxuu kaloo dadka usheegay in xaalada guud ee Puntland ay aad u wanaagsan tahay, hadana uu dalkii kasoo laabtay, isagoo mudo 4 bilood soo joogay dalka. Dhaqtarka ayaa ku booriyay qurbajoogta inay dib ugu laabtaan dalkooda ay maalgashi iyo tabarucaadba ka sameeyaan, maadaama dalkii la la yahay dad ka shaqeysta oo aqoontooda iyo caqligooda uga faa’ideya dadkooda iyo dalkooda.

Hoos ka daawo sawirada: