Dhagayso Gabaygii Xornimo doonka SYL: DANAB (Cali Xuseen Xirsi )

Filed under: Wararka |

DANAB

Markay calanka noo doonayeen, danabbadii dhaartay
Daandaansigii maalintii, lays duqeeynaayay
Hannoolaatadii lagu dalbaday, daalinkaan erinney
Diigaanyadii weerartaad, dixida moodeysey
Meydkii la daadshiyo kufriga, dooxatadu laysay
Digti shalay dubbihi laysla dhacay, dhiiggi dixanaayay
Ninkii doobta laadlaadin jirey, daqarki loo geystey.

Dakanooyinkii laga gutiyo, godobti duugowdey
Dunidaa ogeyd waxa ku dhacay, daalinkii shalaye
Goortuu dirkiisa u cabsaday, dacarna loo qooshay
Dirqi buu ku dhiibiyo xumaan, dawladnimadiiye
Duhur buu ka tegey aqalladii, uu dakeeyn jiraye.

Derbi adag docdoo waxa ka yaal, danina kaa hayso
Duul wada socdaa waa ridaan, waana dumiyaane
Dad is raacsan baa maalintii, diley waraabiiye.

Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade”

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/05/Makaadsade-Danab.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso