Dastuurka Puntland Iyo AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

Filed under: Important News,Wararka |

Iyadoo maalintii shalay uu Madaxwayne ku xigeenka Puntland Camey shaqadii ka joojiyay Taliayaha Booliska Puntland Ereg.

Hadaba hoos ka eeg dastuurka Puntland awoodaha Madaxwayne ku xigeenka.

Qodobka 81aad
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka
maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan karin.
2. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu kala taliyaa Madaxweynaha magacaabidda iyo xilka-qaadista
Wasiirrada, Wasiir Ku-Xigeennada iyo Saraakiisha sarsare ee Dawladda.
3. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu fuliyaa hawlaha Madaxweynuhu u wakiisho ee
aan ka baxsanayn awoodiisa.
4. Madaxweyne Ku-Xigeenka waxaa loo dhaarinayaa xilka Madaxweyninimo, haddii uu
Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo, xilka laga qaado ama ay la soo gudboonaato
xaalad xil gudasho la’aan joogta ah, wuxuuna haynayaa inta ka harsan muddadii
xilka Madaxweynaha.
5. Haddii ay dhacdo xaaladda ku xusan faqradda 4aad ee qodobkan, Golaha Wakiilladu
waxa uu 30 maalmood gudahood ku soo dooranayaa Madaxweyne ku-xigeen cusub.
6. Haddii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku isku mar geeriyoodaan, is
wada casilaan ama xilka laga wada qaado, waxaa xilkooda sii qabanaya
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inta laga soo dooranayo Madaxweyne iyo
Madaxweyne Ku-Xigeen cusub, muddo soddon (30) maalmood gudahood ah.

Dastuurka Puntland, Dastuurkii 1998, Dastuurkii 2001, Dastuurkii u danbeeyay ee 2012 (Dhamaantan Halkaan ka eeg iyagoo PDF ah)