Dawladda Kuwait oo Puntland ka dhisaysa Jaamacad Caalamiya oo laga dhisayo Gobalka Sanaag iyo Ayraboor Caalamiya oo laga dhisayo Garoowe

Filed under: Wararka |

Magalaadda Caasimadda Kuwait ee Dalka Kuwait ayaa maanta waxaa heshiis ku kala saxiixday Dawladda Puntland iyo Dawladda Kuwait,kaasoo dhigaya in 2-Mashaariic Hey*adda Kuwait Foundation ka hirgeliso Puntland.

Mashruucan ayaa waxaa nasiib u yeeshay Gobolka-Sanaag oo laga hirgelinayo Jaamac loogu magac-daray (Maakhir-Universaty)iyo Garoon Dayuuradeed oo laga hirgelinayo magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Balanqaadkaas ayaa waxaa horey balan-qaaday Amiirka Kuwait Sheekh Jaabir Axmed Al-Sabaah oo 2010-kii la kulmay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole,inkastoo mashruucyadaas ay is-baaro u dhigteen Madaxweynihii hore Sheekh-Shariif iyo Reysalwasaarihii hore C/weli Gaas,inkastoo dadaal dheeri ah oo ay sameeyeen Wasirka arimaha Gudaha General C/laahi Axmed Jaamac (ilka-Jiir)(Xafidahulaahi)iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Jaamac (Xafidahu-laahi)ay ku guuleysteen in mashaariicdii ay is-hor-istaageen Sheekh Shariif iyo Gaas inay Dalka Kuwait ka dhaa-dhiciyeen in Puntland in la fasaxo 2-dan Mashruuc.

Waxaa xusid mudan in Garoomada Boosaaso iyo Gaalkacyo ay markii hore dhisi-lahaayeen,Dawladda Kuwait,balse waxaa hadda la wareegay mashruucaas Dawladda Talyaaniga,waana midda keentay in 2-dan Mashruuc Sanaag iyo Nugaal in loo wareejiyo.

Dalka Kuwait oo ah dalka kaliya ee ka duwan wadamadda carabtaa ee Taajiriintaa balse maalkii illaahay siiyay geed dheer iyo mid gaabanba u fuula sidii ay u curyaamin lahaayeen dalka Soomaaliya, iyagoo usoo dira Soomaaliya wadaadda Soomaaliya dhan walba ka jaahwareeriya, iya iyagoo isku mashquuliya in ay Hogaanka Soomaaliya ama keensadaan ama Laaluushaan, balse aan marna Soomaaliya kala shaqayn dhanka Horumarka.

Wadanka ugu xun waa dawladda Qadar, wadanka labaad waa sacuudiga ee isna xumaanta Soomaaliya aad uga shaqeeya, wadanka sadexaadna waa Masar oo isagu Soomaalidda u isticmaala sidii uu uga horkeeni lahaa Ethiopia.

Dalka Kuwait ayaan dhawayd waxay malaayiin lacaga ku bixisay Ayraboorka Hargaysa iyo Burca, waxay Soomaaliland ka caawisaa mashaariic Beeraad iyo kuwa kale, hada waatan mashaariicda lataaban karo kacaawisay Soomaaliya.

Akhristow waligaa hal ayraboor ee dalalka Qadar, Sa-uudi arabiya, iyo Masar ay Soomaaliya ka caawiyeen ma haysaa.

Dalalka Reer galbeedkaaba lasiinayaa Bilad dahabiya oo Malaayiin Soomaaliya dalalkoodda kuhaya.

kuwait puntland

kuwait puntland2

kuwait puntland3

kuwait puntland4

kuwait puntland5

ShacabkaMedia ka eeg warka oo aad u faahfaahsan