DAWLADNIMADEENII YAA DHALIYAY? YAA DHUMIYAY? YAASE DIB U DHISI KARA?

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

DAWLADNIMADEENII YAA DHALIYAY? YAA DHUMIYAY? YAASE DIB U DHISI KARA?.
Hadii la rabo in guri dhisan la dumiyo waxa dubbaha lala beegsada halka ugu sarraysa ee inay dunto u nugul. Hadii la dooni in aqal cusub la dhisana waxa loogu hormaraa adkaynta asaaska uu aqalku ku taagnaan doono. Dadkana sidoo kale waayeelku wa nugulka bulshada cadowgu kasoo abaaro. dhallintuna wa lixaadkeeda ka difaaca khatar kasta. Wa haday is abaabulaan!!!

Gumaystihii yurub markuu kuso duulay qaarada Africa, si uu u dumiyo ilbaxnimadeeda, boqortoyooyinkeeda, dhaqamadeeda iyo diimaheeda oo u qabsado dabeedna u gumaysto khayradkoodana u boobo, wuxuu abaaray odayaasha iyo boqorada Africa oo uu heshiisyo maldahan la galay. Sababtoo ah duqooshinkaasi ayuu u arkayey inay yihiin -wayna ahaayeen dhabtii-halka qaarada cagaarani ka nugushahay. Somaliana sidoo kale ayuu ka wareemay odayaashoodii iyo boqoradii u talinayey.

Dhanka kalena dhaqdhaqaaqyadii gobanimodoonka Africa ragii hogaaminayey oo doonayey inay so ceshaan wixii duqowdoodu dayacday waxay ahayeen ama cudud iyo ciidan u ahaa dhallinyarada oo ah lixaadka ummada iyo asaaska ay ku taagan tahay. Eeg tusaale ahaan dhaqdhaqaaqyadii Axmed Gurey, Sayid Maxamed, SYL iyo kuwo kale oo dhamaantood usoo halgamay gobanimada dalkeena, waxa hormuud ama xoog iyo laxaad u ahaa dhallinyaro.

Astaan kale oo muujinasa in weligeed danta cadawgu duqoshinka la tiil, da’yartuna halgan kula jirtay waxay tahay:

Somalia markay xorriyada qaadatay iskuna darsameen labadii gobol ee waqooyiga iyo koonfurta somalia 1dii July 1960, dawladihii gumaystay ee ay ka xorowday weli saamayn ayay kusii lahaayeen siyasada, maamulka iyo dhaqaalaha dalka. Sababta miyaynu sheegna!?

Waxay ahayd: In xafiisyadii dawlada ay haysteen khubaro rer galbeed ah oo la taliyayaal ugu magacawnaa iyo somali ay iyagu laylyadeen fartana bareen oo maskaxdoodii iyo dhaqankoodii wata. Sidaa darteed inkastoo labadaas gobol guud ahan xoroobeen hoos ahaan gumaystuhu tabtiisii hore ayuu danihiisa uga qunsanayey.

Shaki maleh inkastaba ha le’kaadeene inay jireen wadaniyiin dareemayey inan hankii la filayey xorriyada la helay gaarsiisnayn. Abwaano badan ayaa suuganta somalida ku shegay qawadka jiray. Siyaasiyiin golayaasha dawlada ku jiray iyo saraakiil ciidamada kamid ahaa oo da’ yar ayaa isbedel siyaasiya iyo afgambi millatery dhawr jeer hoos ahan isugu dayay.

Guuxaasi wuxu markii u horreysay dibeda usoo baxay, taageero shacab oo lixaad lehna helay markii 1963kii halgankii dhallinyaro u kacday xoraynta NFD, oo ahayd dhul somaliyeed oo gumaystihii ingiriisku raacshay Kenya, ay ingiriiskii ku sanduleeyeen in afti loo qaado dadka halkaas dega rabitaankooda. Hase yeeshee dawladii ingiriisku markay aragtay natiijadii aftida oo 87% dadkii degaankaasi doorteen inay Somalia ku biiraan ay si bareera u qaadacday natiijadii, kuna dhawaqay in NFD ay tahay gobolka 7aad ee Kenya. Raiisulwasaarihii Somalia ee xilligaas Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa isla markiiba kaga jawabay gaboodfalka ingiriiska in xukuumadiisu xiriirkii u jartay London. Intaa kagama harine wuxu mawqifkiisas durba hordhigay golihii shacabka oo xisbiga SYL ubadnaa, iyana cod loo dhanyahay ayay ku ansaxiyeen mawqifkaas xiriirkii logu jaray ingiriiska.

Tallaabada raiisulwasaaraha, ansixinta baarlamaanka iyo soo dhaweynta go’aankaas oo shacabka somaliyeed meel kasta bannaan baxyo ku taageeray waxay muujisay caradii loo qabay faragelinta joogtada ah ee gumaystuhu weli waday xorriyadii kadib.

Sanado kooban kadib markii xiriirkii ingiriiska lasoo ceshay, ayay faragelintiina halkii kasii socotay. Markale ayayse da’yartii saraakiisha ciidanka xooga dalka oo hogaanka u dhiibtay taliyahoodii,sareeye gaas Maxamed Siyad Barre, 21 October, 1969kii afgembi millatery oo aan dhiig ku daadan taladii dalka kagala wareegeen xukuumadii rayidka ahayd. Kadib markii lagu dhaliilay inaysan madax banaanayn ee ay amarada iyo tilmaamaha gumaysiga ku shaqayso.

Sidaa darteed ayuu kacaankii Oktober caradii u horreysay kula dhacay joogitankii rer galbeedka. Kuwaasoo hantidoodii iyo hantidii somalidii gacan saarka la lahaydba si aan soo noqod lahayn loo qarameeyay dawladuna ula wareegtay.

Inkastoo kacaanku taageeradii shacabka ee uu durba hantiyay wax badan ku qabtay sannadihii u horrayay xukunkiisa. Tasoo an si kooban uga xusi karno mashaariic horumarineed iyo kaabayaal dhaqaale oo ISKAA WAX U QABSO lagu dhisay. Deeqo dibadeed oo iyana qaab lunsashada hantiyeed ku yar tahay looga faaideeyay dalka iyo dadkaba. Ololayaal kicin iyo baraarujin shacab makaabsaday oo lagu xalliyay musiibooyin waweyn oo dalka hore uga jiray iyo qaar ku habsaday xilliyadaas. Dhismaha ciidamada oo xag tiro, tayo, qalab, tababar iyo xiriirada siyaasada dibeda oo horumar weyn laga gaaray.

Hase yeeshee dawladii kacaanku laga bilaabo 1975kii dilkii xaqdarro oo ay ku fulisay culimadii kaga hortimid wax ka bedelka sharciga islamka, waxay ku lumisay taageeradii dadweynaha, waxqabadkeedii shacabka ku tiirsanaana waa gabaabsiyay. Dagaalkii 1977-78 oo ay dawladu u gashay inay kusoo ceshato taageeradii shacabkuna waba ugasii daray. Wuxuu dhalay isku day afgembi millatery iyo jabhado hubaysan oo toos uga horyimid kacaanka.

Run ahaantii waxa la oran karaa, amaba ay tahay in burburka qaranimadii Somalia xilligaas uu kasoo bilaabmay. Sababtoo ah waa markay dawladii taageeradii shacabkeeda iyo ciidankeedaba lumisay bilowday inay hubka wax gumaada oo afar nooc ah adeegsato. Iyadoo illowsan in hubkaas ridihiisa iyo lagu ridihiisuba ku gablamaan:

1) dawlaadii waxay dib u faagtay qabrigii qabyaalada, oo ay 10 sano kahor tiri wan ku duugnay. Taasoo ay uga dan lahayd inay kukala furfurto mucaaradkeeda. Somalidiina waxay u kala saartay qabiil kacaana iyo qabiil kacaandiid ah. Sidaas ayayna dadkii wada deganaa colaad aan harin iyo isnacayb u dhex dhigtay.

2) musuqmaasuqii iyo lunsigii hantida dadweynaha oo ay shaqaalaheeda ku maxkamadayn jirtay, qaarna kuba dishay sunuud buu lunsaday keliya, waxa bedelay khasnadihii bangiga dhexe, kii ganacsiga iyo kii horumarinta oo loo daabulay xaaraan ku naaxyo sheganayey inay damin karan dabka shacabka iyo jabhadaha ee meel walba kaga shidmay kacanka. 3) Kaydadkii hubka ayaa iyagana albaabada loo ballaqay qabiilooyin qaar loo aqoonsaday kacaanimo. Kuwaasoo loo xalaaleeyay dhiiga qabiilada kale oo iyaga lagu shaabadeeyay kacaan diidnimo. 4) Waxa kaloo kacaanku cagta mariyay cunsurkii isbedelka oo ah dhallinyarada. Wuxu ka dhigay xaabo dawlada iyo jabhaduhu dabka ku shitaan. Intii ka badbaadayna ama dibed bay u dhoofeen ama jeelashay ku abadeen fikirkooda darti.

Maadaama uu xilligaasi ahaa markii qabyaalada, lacagta iyo hubkuba faraha dawlada ka baxeen ee shacabka lagu fidneeyay, Islamarkaana dhallintii ka dhiidhiyi lahayd oo isbedel keeni kartayna gumaad, caburin iyo colaadi u diiday, wuxu mudan yahay in loo aqoonsado bilowga xillligii burburka. Hada ogow waa isla sababahaas qudhooda waxa waqtigaas ilaa hadeer loo la’yahay kacaan dhallinyaroo dambe, shacab ama ciidan kuu doonaba, oo ka gilgisha dhaqamada xilliga burrburka oo sidaan wada ognahay boqol jeer ka liita kana xun kuwii kahor laga kacdoomi jiray. Si kale hadan u dhahno, waa Afartaas qodob (qabyaalad, musuqmaasuq, hub iyo dhallintii oo ku dhex dhuntay) waxa ka horjooga somaalida maanta inay ka baxaan dulligay hor u diidi jireen oo kun jibaarmay.

Tusaale ahaan, waxan waa hore ka dhiidhinay faragelin ingiriis oo aayaha dad somaliyeed oo xuduuda jamhuuriyada ka baxsan la is hortaagay. Mantana jamhuuriyadii qudheedii ayaa faragelin waa sahale waxa toos uga taliya yamyam iyo qadaad weyn gumaysigu soo dirtay, deerana deero uma hardido.

GEBAGABO: Qormadan waxan kula hadlayey dhallinyarada somaliyeed. Waxan taariikh ahaan u tusaaleeyay doorkay lahan jireen oo dayacan iyo cilladaha da’yarta manta ka dhigay maato caana leh, oo kuwa dalka joogana duud xamaal uga dhigay danayste an u naxayn iyo gumayste ku adeeganaya. Kuwa dibeda jirana baday dawarsi iyo dhalan doorin. Waxan dhallinta somaliyeed meel ay joganba ku leeyahay: Kakaca fadhiga, ka saara dalka xaalada rajo la’aanta ah. Taasoo waayeelkiinu ku fashilay inay bedelaan 25 sanoo inaka luntay. Kuwaad wax ka sugaysaan ma dedi karaan daar inay dumiyaan mooyane, ma tashan karaan jeer in loo taliyo mooyane, ma heshiin karan waana in lakala horjoogo mooyane, ma bedeli karaan waxna in la bedelo mooyane. Dhallinyarooy rag iyo dumarba idinkaa isbedel dhalin kara hadaad halkudheg ka dhigataan (DH a LL i N Y a R o) oo ah: (DHiga qoriga, Laala musuqa, Naca eexda, Yeela talada, Raacda tiina.)

Saxardiid Kilwe
ssaxardiid@gmail.com
Tel: 256 791 467628

One Response to DAWLADNIMADEENII YAA DHALIYAY? YAA DHUMIYAY? YAASE DIB U DHISI KARA?